WAJAALE NEWS

Boqor Buurmadow Oo Ka Warbixiyay Socdaal Uu Ku Jooga Muqdisho Iyo Aragtidiisa Qadiyada Somaliland.

MUQDISHO(W,N)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Oo BBC Somali, uga warbixiyay socdaalkiisa Muqdisho, ayaa Sheegay in uu u yimid xalinta khilaaf ka dhextaagnaa madaxda Somaliland kasoo jeeda ee Soomaaliya xilalka ka haya, isagoona sheegay in uu shacabka Somaliland la qabo gooni isutaaga Somaliland.

Boqorka ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ee socdaalkiisu ahayd xalinta khilaaf uu sheegay in uu ka dhexeeyay siyaasiyiinta reer Somaliland ee Muqdisho jooga, uuna ku guulaystay in xal laga gaadho “Khilaaf ka dhexeeyay madaxda gobolada waqooyi ee halkan ka joogta in aan dhexgalo oon isu usoo dhawayn arrinkaa ka sameeyo ayuu safarkaygu ahaa, tiina waanu ku guulaysanay”.

Boqorka ayaa sheegay in uu meelkasta oo Soomaali dagto oo khilaaf ka jiro tagayo, si uu uga qayb qaato heshisiintooda, isagoo sheegay in uu horay u tagay deegaano kale oo Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version