Wafti Safiiro Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Hargaysa Iyo Ujeedada Safarkooda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Safiiro Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Madaarka Caasimada Hargaysa Iyo Ujeedada Safarkooda!
November 29, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Wafti balaadhan oo  ka socda dalalka caalamka ayaa maanta lagu soo dhaweeyay madaarka caasimada Somaliland ee hargaysa/

Waftigan ayaa waxaa hogaaminaysa safiirka dalka yurub ufadhida Nayroobi oo ay weheliyo safiir ka socda dalka Sweden iyo diblamaasiyiin kale, waxaa sidoo kale waftigan weheliyay safiirka somaliland ufadhiya dalka kenya.

Waxaana madaarka cigaal kusoo dhaweeyay wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha dibada Somaliland.

Ujeedada socdaalkan waftigan oo maalmo joogu doona Somaliland ayaa lagu sheegay in ay tahay arimaha doorashada madaxtooyada Somaliland oo dhici doonta 2022.

Mudada ay ku sugan yihiin caasimada hargaysa ayaa waxay kulamo layeelan doonaan madaxda ugu saraysa xukuumada Somaliland ururada bulshada rayidka ah.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS