Guddida Cadaaladda Jsl Oo Magacaabis, Dalacsiin, Bedal, Iyo Aqbalaad Shaqo Ka Tagid Ku Sameeyay Guddoomiyayaal, Garsoorayaal Iyo ku-xigeeno xeer-Ilaaliyayaal Gobol. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddida Cadaaladda Jsl Oo Magacaabis, Dalacsiin, Bedal, Iyo Aqbalaad Shaqo Ka Tagid Ku Sameeyay Guddoomiyayaal, Garsoorayaal Iyo ku-xigeeno xeer-Ilaaliyayaal Gobol.
November 30, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii ay yeesheen salaasada maanta ka dooday isla markaana si qoto dheer u falan-qeeyay dalacsiin, isku bedel, magacaabid  iyo ansixin ay ku sameeyeen guddoomiyayaal maxkamadeed, garsoorayaal iyo dacwad oogayaal. 20 garsoore ayaa lagu sameeyay dalacsiin iyo isku bedel halka qaarkoodna loo magacaabay guddoomiyayaal maxkamadeed, sidoo kale 26 garsoore oo ku meel gaadh ahaa ayaa laga dhigay garsoorayaal rasmi ah, guddida ayaa sidoo kale 10 dacwad ooge (prosecutor) u dalacsiiyay ku xigeeno xeer ilaaliyayaal gobol, halka guddidu ka aqbashay 5 xubnood oo u soo gudbiyay codsiyo ay ku dalbanayaan shaqo ka tagis.

Geesta kale Guddida Cadaaladda ayaa xilalkii ka qaaday guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka gobolka Awdal, guddoomiyihii maxkamada gobolka Togdheer, guddoomiyihii maxkamadda degmada Boorama iyo guddoomiyihii maxkamada degmada Burco halka ay guddidu xilkii guddoomiyenimo ee gobolka Sool u ansixisay guddoomiyihii maxkamadda gobolkaasi ee ku meel gaadha ahaa.

Halkan  ka akhriso go’aanka Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland;

 

COMMENTS
LINKS