“Somaliland Waxay Ka Bad-baaday Shirqooladii Caalamiga Ahaa Ee Shirarkii Garowe 1& 2 Iyo Shirkii London Oo Xidhiidhsanaa”Mahamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Waxay Ka Bad-baaday Shirqooladii Caalamiga Ahaa Ee Shirarkii Garowe 1& 2 Iyo Shirkii London Oo Xidhiidhsanaa”Mahamed Dhimbiil.
December 22, 2021 - Written by Editor:

( Maxaa dacar la ii walaaqay , waabeeyo ku caafimaaday ).

Burburkii jamhuuriyadii soomaaliya ee 1991kii , dalkii la isku odhan jiray jamhuuriyadii Somalia waxa uu  kala noqday sidii uu ahaa ka hor 1 July 1960kii oo uu ahaa maxmiyadii ingiriiska ka qaadatay gobanimada ee Somaliland iyo Soomalidii hoos iman jirtay maamulkii talyaaniga ee koonfureed.

Jamhuuriyada Somaliland markiiba wax garadkeedii , aqoonyahankii , mujaahidiintii iyo dhaqankii inta ay magaalada Burco ku shireen ayey go’aansadeen in ay la soo noqdaan dawladnimadoodii 26 June 1960kii , waxaana ay dhisteen nidaam dawladeed.

Halka dhinacii kale ee ay wax wada lahaayeen ay galeen fawdo iyo dagaalo sokeeye oo suurtagalin waayey in ay dawladi u dhisanto.

Waxaa gurmad ugu jiray aduunka sidii loogu dhisi lahaa dawlad waxaana shirar joogto ah loo qabayey mudo dheer sidii loogu soo celin lahaa xayndaab dawladnimo taabo gal ah , waxaana ay kala ahaayeen shirarkaasi ;

1- Djibouti 1991 june ( Dawlada Djibouti )

2- Djibouti 1991 july ( Dawlada Djibouti )

3- Adis-ababa 1993 Jan ( United Nations)

4- Adis-ababa 1993 March ( UN iyo dawlada Ethiopia)

5- Sodare 1996 Nov/1997 Jan ( Dawlada Ethiopia )

6- Qaahira 1997 ( Dawlada Masar )

7- Arta May/Aug 2000 ( Dawlada Djibouti )

8- Eldoret/Mbaghati 2002/2004 ( IGAD iyo Dawlada Kenya )

Waxaa jirey iyaguna kulano lagu heshiisanayey siyaasiyiinta iyo hogaamiye kooxeedyada Somalia oo kala ahaa

1- Nairobi 1994 Kenya ( UN )

2- Nairobi 1996 oct Kenya , Aideed,  Osman Atto , Ali Mahdi ( dawlada Kenya )

3- Yemen 1997 , Hussein Aideed iyo Osman Atto. ( Dawlada Yemen )

4- Nakuru 1999 ( government of Kenya )

5- Khartoum 2006 TFG iyo ICU ( Jamacada  Carabta ).

6- Djibouti 2008-2009 TFG,ARS ,Djibouti ( UN ).

7- Kampala Accord 2011.

Intaasi ka dib waxa lagu qabtay magaalada Garowe shir 21-23 Dec 2011 , shirkaasi waxa laga tix-raacay heshiiskii Djibouti iyo Kampala lagu soo galay ee soomaaliya.

Shirkaasi waxa uu gogol xaadh u ahaa shirkii Garoowe 2 ee lagu goostay in nidaamka siyaasadeed ee soomaaliya loo maamulayaa uu noqdo hab federal ah , la iskula qaatay in dastuur ku meel gaadh ah loo sameeyo , waxaana uu dhacay 7 Feb 2012.

Waxaa haddana London lagu qabtay shir loogu magac daray shirka soomaaliyeed ee London 23 Feb 2012 , waxaana ka qayb galay wafti uu hogaamiyo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo lagu martiqaaday.

Waxaa ay ahayd markii ugu horeysay ee jamhuuriyada Somaliland si rasmi ah uga qayb gasho shirar soomaaliya loo qabanayo , hore waxa u jiray mar ay wafti reer Somaliland ah oo uu hogaaminayey gudoomihii golaha dhexe ee SNM ahaana gudoomiyihii ugu horeeyey baarlamaanka Somaliland ay talo bixin ugaga qayb galeen shir Ethiopia soomaaliya loogu qabanayey.

Haddaba waxa muuqata in uu ahaa badelka qaab dhismeedka siyaasadeed ee soomaaliya qorshe dabin looga dhigayey jamhuuriyada Somaliland si loo masaxo taariikhda ah in jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya ay ahaayeen laba dawladood oo isku biiray.

Qorshaha kale ee la rabay waxa uu ahaa in guud ahaan ilaa Somaliland la rabay in tubta federaalka lagu soo rido , waxaana kuu cadeynaya deg-dega sadexda shir ee xidhiidhka lahaa iyo qodobka 6aad ee shirkii London ka soo baxay.

Intii ka dambaysay waxaa kor u soo kacayey in qorsheyaal dhaqaale badan la galiyey lagu bixiyey dib u dhiska soomaaliya oo ay jamhuuriyada Somaliland na qayb ka ahayd .

Waxaa la qabtay shirar badan oo wadahadalada Somaliland iyo Somalia loogu magac daray oo uu kulankii 9 aad ahaa shirkii Djibouti ee ay ka qayb gashay xukuumada hadda talada haysaa oo uu hogaaminayo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland.

Shirarkaasi waxa ay isugu jireen in laga wada hadlo waxii la wada lahaa sidii loo qaybsan lahaa , sidii maamulka waxii ka maqan gacanta Somaliland iyo Somalia ay u soo ceshan lahaayeen , sidii deeqaha caalamka loo wadaagi lahaa iyo sidii aan loo siyaasadayn lahayn waxii gargaar , horumar iyo binu-adenimo ah.

Waxaa kale oo ku hoos jiray qorsheyaal badan oo ay ka mid ahaayeen in bulshadu is dhexgasho dhinacwalba , wax badan la iska kaashado waxaana ugu dambeeyay shirkii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Djibouti ku soo galay oo uu communique 19 June 2020 nuxurkii ka soo baxay .

Isku soo wada xoori waxa uu xaalkeenu yahay maxaa dacar la ii walaaqay, waabeyda ku caafimaaday , waxba saameynta inaga soo gaadhay il-duufka inagu dhacay ina yeeli mayso hadii aynu hadda waxii ka dambeeya ka taxadirno shirqoolada siyaasadeed ee caalamiga ah.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbii”

COMMENTS
LINKS