“Horta Yaa Loo Hanjabayaa!W/Q; Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Horta Yaa Loo Hanjabayaa!W/Q; Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine.
January 6, 2022 - Written by Editor:

Waxaa beryahan warbaahinta iyo baraha bulshada ku soo badanaya Dhalinyarro, Odayaal iyo Qurbo joog oo u badan kuwa nolosha ka dhacay oo aan shaqaysan ama cibaadaysan oo korkooda ay ka muuqato noocayada kala duwan ee balwadaha dalka laga helo, kuwaas oo sheeganaya inay ku hadlayaan magacyo beeleed iyadoo aanay jirin cid u wakiilatay iyo meel lagu yidhi idinkaa beesha afhayeen u ah oo had iyo goor hanjabaad joogto ah iyo aflagaado aan loo meel dayin meelahaa la taagan had iyo goorna ku celceliya Somaliland baanu duminaynaa.

Dadkan aynu ka hadlaynaa qaar ba meel bay ka cabanayaan lakiin mabda guud ii mideeyaa waa inay iyagu cadaalad darro ay tirsanayaa hase ahaate waxaa ka khaladan wadadii ay u mari lahayeen iyagoon af reer ku hadlin ama aan cid kale oo aan waxba ogayn iska dhaleecayn taasna danbi iyo gaf ku galabsato.

hadladan lidiga ku ah nolosha bulshada reer Somaliland ee nabad ku caano maalay waxay bilaabmeen ka dib markii ay soo baxeen khilaafyo sharciyeed oo ay sameeyeen masuuliyiinta dalka usareeya taas oo madax isku galisay wax magartada bulshada oo ay gadhwadeen ka yihiin ragg aad moodo inay aad u doonayaan dagaal sokeeye iyo dhiig daata oo aan faa’iido u lahayn bulshada qaybaheeda kale.

dadka in loo tudho oo nabada la ilaaliyo waxay faa’iido ugu jirtaa bulshada Somaliland oo dhan cidna dan gaar ah kuma qabto sababtoo ah waxaad arkaysaa nin fooqyo magaalada ku leh oo hadana markasata ku faanaya inuu dagaal lagu hoobtay oo isagu gadhwadeen ka yahay uu qaadayo cidii ucaqli celin lahaydna maqli maayo oo wuxuu u haystaa qaar baqanaya oo lahaystayaal ah.

haddi maanta dagaal dhaco oo farah laysula taggo cidina cid kama baqanayso oo dhimashada waa loo simanyahay dadkuna nabaday wax ku yihiin ee dhiig daata xal maaha, waxkasta oo qofku tabanayo waxaa qurux badan inuu sharciga u maro oo raadsado  xaqiisa hadiiba aad aaminto inaad xaq helayn iska Samir mar un buu dilaaci nabsiga lagaa galay waayo Ilaahay Swt ayaa quraankiisa kariimka ah ku sheegay inuu ku sabra macooda yahay.

Soomalidu waxay tidhaa afxumi nabadna wuu kaa kexeeya colaadna waxba kaaga mataro oo micnaheedu yahay afkaaga eryada ka soo baxaya inaad dhawrtaa aday sharaf kuu tahay.

Hadaba aynu usoo daadagno dulucda sheekadeenan su’aasha muhiimka ah ee in lays waydiiyo ay wanaagsantahy waxay tahay Horta waayo cid loo hanjabayaa.

 

WABILAAHI TAWFIIQ

W/Q; Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

COMMENTS
LINKS