“Khilaafka Arinka Ururada Siyaasadda Yaa Sax Ah Yaa Qalad Ah?Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Khilaafka Arinka Ururada Siyaasadda Yaa Sax Ah Yaa Qalad Ah?Siyaasi Cali Guray.
January 23, 2022 - Written by Editor:

Khilaafkan dadka lagu soo dhex tuuray  ee ururada siyaasadda Horta; Yaa Sax Ah Yaa Qaldan? marka dhincayada ay khuseeyso Oo dhami u wada hogaansan yihiin Dastuurka, Xeerarka dalka Iyo xeerarka doorashooyinka sidii ay fartay Maxamadda Sare. Gaar ahaan marka la eego waxa ay ku kala duwan yihiin labada xisbi mucaarid oo dhinac ah iyo Xukuumadda iyo Xisbigeeda oo dhinaca kale ah.

Marka aynu dhegaysanay masuuliyiinta labada dhinac waxa loo baahan yahay miqyaas aanu cabir uga dhigano si aynu u kala ogaano dhinaca sax ku jooga iyo dhinaca haya wado qaldan.

Anigu marka aan dhegaystay masuuliyiinta labada dhinac ee ka hadlay arinkan waxa ii muuqday in khilaafka ka dhexeeyaa uu ku aroorayaa meel keliya oo ay ku kala aragti yihiin.

Horta arinka lagu muransan yahay wax kale maaha ee waa; yaa xaq u leh in ay ka qayb gasho tartanka doorashada Madaxtooyada ee muddaysan 13 November 2022? Ma sadexdan xisbi uun mise kuwo kale oo ku soo bixi doona doorasho kale oo ka horaysa ta madaxtooyada?

Aragtida dhinaca mucaaridku waxay tahay in sadexdan xisbi ay xaq u leeyihiin tartanka Doorashada Madaxtooyada ee 13ka November madama ay shahaadadahoodu weli ansax yihiin. Sidaa daraadeedna aanu jirin sharci ku waajibinaya in ay doorasho la galaan inta ka horaysa dhamaadka sanadkan oo shahaadadahoodu ay burayaan ka hor dhamaadka  December sanadkan.

Taasi waxa khilaafsan aragtida Xukuumadda iyo Kulmiye marka hadaladii ugu dambeeyay ee Afhayeenka Kulmiye iyo Wasiirka Warfaafinta ka eegno. Afhayeenku si cad ayuu u xusay in inta ka horaysa doorashada madaxtooyada la qaban doono doorasho kale oo ay ururo siyaasadeed kula tartami doonaan sadexdan xisbi qaran kuwa ka soo baxaana ay u tartami doonaan Doorashada aanu sheegin wakhtiga ay qabsoomi doonto balse caqligu ina siinayo in aanay ahayn wakhtigeedii 13 November. Wasiirka Warfaafinta oo isaguna  BBCda waraysi siiyay ayaa ayiday hadalkii Afhaynka Kulmiye.

Hadaba mucaaridka garanay oo waxay ka duulayaan Xeer Lam. 14/2011 oo mawqifkoodu waafaqsan yahay eh waxa yaab leh sharciga aan ahayn Xeer Lam. 14-2011 ee dhinaca Xukuumadda iyo Xisbigeedu ay ka duulayaan. Waayo mawqifkoodu wuxu si toos ah uga horimanaya Xeerka Diiwaangelinta Ururada Iyo Kala Saaridda Xisbiyada ee Xeer Lam. 14-2011.

Hadaba marka ay tahay: Yaa Sax Ah, Yaa Qalad ah? Ilaa hadda ma hayno wax kale oo muqyaas looga dhigan karo oo aan ahayn Xeerka dhaqangalka ah ee Xeer Lam. 14-2011. Markaa labada xisbi ee mucaaridka ayaa sax ku jooga Xukuumadda iyo xisbigeeduna waxay ku joogaan wado qaldan. Mise tolow waxay og yihiin dabino qoolan. La raki doonee

CALIGUREY

HARGEYSA, SOMALILAND

COMMENTS
LINKS