𝗨𝗔𝗘 𝗜𝗬𝗢 𝗛𝗢𝗥𝗗𝗛𝗔𝗖𝗔 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗔 𝗞𝗢𝗡𝗧𝗢𝗡𝗞𝗔 ( 𝟱𝟬 ) 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗𝗢𝗢𝗗 𝗘𝗘 𝗦𝗢𝗢 𝗦𝗢𝗖𝗗𝗔!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
𝗨𝗔𝗘 𝗜𝗬𝗢 𝗛𝗢𝗥𝗗𝗛𝗔𝗖𝗔 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗔 𝗞𝗢𝗡𝗧𝗢𝗡𝗞𝗔 ( 𝟱𝟬 ) 𝗦𝗔𝗡𝗔𝗗𝗢𝗢𝗗 𝗘𝗘 𝗦𝗢𝗢 𝗦𝗢𝗖𝗗𝗔!!
January 31, 2022 - Written by Editor:

𝘔𝘈 𝘓𝘈𝘎𝘈 𝘠𝘈𝘈𝘉𝘈𝘈 𝘔𝘈𝘚𝘜𝘜𝘓𝘒𝘈 𝘚𝘈𝘋𝘌𝘟𝘈𝘈𝘋 𝘌𝘌 𝘎𝘌𝘌𝘚𝘒𝘈 𝘈𝘍𝘙𝘐𝘊𝘈 𝘒𝘜 𝘞𝘈𝘑𝘈𝘏𝘈𝘕 𝘜𝘈𝘌 𝘐𝘕 𝘜𝘜 𝘔𝘈𝘋𝘈𝘟𝘞𝘈𝘠𝘕𝘌 𝘉𝘐𝘐𝘟𝘐 𝘕𝘖𝘘𝘋𝘖 ) ?

Dalka Emirates ( UAE ) Waxaa ay diyaariyeen wax ka badel na ku sameeyeen siyaasadooda , ka dib markii ay 50 sanadood oo ay jireen sameeyeen horumar dhinac walba leh oo dunida ay u noqdeen muhiim.

Waxaa ay dejiyeen qorsheyaal siyaasadeed oo dalka imaaraadku ku shaqeynayo 50 sanadood ee socda kuwaasi oo ku fadhiya siyaasad ka duuleysa ama ay saldhig u yihiin tobankan qodob ;

Siyaasadooda hadda waxa saldhig u ah koboca dhaqaalaha ee imaaraatka iyo diblomaasiyad u adeegta sidii dhaqaalaha UAE u noqon lahaa ka aduunka ugu horeeya Imaaraadka iyo daskiisana ka dhigi lahaa kuwa ugu qanisan.

Waxa ay qaateen siyaasad deris wanaag iyo sameysiga saaxiibo siyaasadeed oo aan ku xidhnayn diin , isir , dhaqan iwm ee ku xidhan maslaxada iyo danaha guud ee dalkaasi mid wax taraysa.

Waxa kale oo ay qaateen in ay dhameeyaan dhamaan dalalkii ay siyaasada isku seegeen oo ay waji cusub ku qaabilaan sida Qatar , Turkey , Syria, Iran iwm , waxaana ay fuliyeen talaabooyinkii ugu horeeyey.

Waxaa kale oo ay qorsheeyeen in ay kaalin muuqata ka ciyaaraan siyaasada aduunka , ta Asia iyo ta gobolada kale oo ay muuqato kaalintooda dhexdhexaadineed iyo dhameynta khilaafyada iyo xasaradaha aduunka ka taagan.

Waxa ay balan qaadeen xoojinta xuquuqal insaanka , xoriyada ,binu-adenimada iyo la shaqeynta hay’adaha iyo ururada caalamiga ah ee ku hawlan dhamaan arimahaasi 50 sanadood ee soo socda.

Qorsheyaashani oo ay bud-dhig u ahaayeen 10 qodob ayuu qodobka ugu dambeeyaa ahaa in gacanta UAE ee yareynta saboolnimada , gargaarka binu adenimada iyo ka qayb qaadashada caawimada dadka aduunka oon ku saleysnayn isir iyo diin iwm uu dalka imaraatku ka geysan doono aduunka.

Waxaa booqasho ku tagey markii ugu horeysay madaxweynaha Israel ka dib xidhiidhkii ka soo unkamay heshiiskii ibraahiimiyada ( Abraham Accord) ee 2020 , waxaa maalmo ka hor na joogay madaxweynaha Egypt Abdul-asis Asiisi .

𝗨𝗔𝗘 𝗜𝗬𝗢 𝗚𝗘𝗘𝗦𝗞𝗔 𝗔𝗙𝗥𝗜𝗖𝗔

Dalka Imaaraadka Carabtu waxa uu si toos ah ugu xidhan yahay saameyna ku leeyahay gobolka Geeska Africa iyaga oo ka sameeyey maalgashiyo waaweyn sida Dekeda Berbera , Dekada Erateria, Dekedaha Djibouti oo ay dacwad iskula jiraan iyo saldhigyo milateri oo ku yaalla Berbera iyo Asab .

Waxaa uu sidoo kale saameyn siyaasadeed ku leeyahay gobolka siyaasadiisa oo Qatar iyo UAE ku loolamayeen mudo dheer is hayntoodiina ay ka muuqatay guud ahaan gobolka Geeska Africa.

Dalka Imaaraadka Carabta waxa ay isku xumaadeen dawlada Djibouti oo uu xidhiidhkoogu go’an yahay sanadihii ugu dambeeyay,  xataa dawlada UAE kumay soo darin wadamada ay rabto in ay xidhiidh wanaagsan oo ka duwan kii hore yeeshaan oo ay ku dareen qorshayaashooda 50ka sanadood ee soo socda .

Halkaasi waxa ka cad in dalka Djibouti oo kaalinta koboca dhaqaalaha iyo siyaasada saameyn kuleh Geeska Africa iyo dalka UAE si dhab ah u kala xidhiidh furteen.

Sideed iyo Afartankii ( 48hrs ) saacadood ee ugu dambeeyay waxa dalkaasi ka degay Raisal wasaaraha Ethiopia iyo Raisal wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka Somalia oo lagu qaabiley soo dhaweyn isku mid ah .

Waxaa laga yaabaa uu masuulka sadexaad ee Geeska Africa ee UAE tagayaa uu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland maadaama horena xidhiidh wanaagsani uga dhexeeyey oo maalgashi iyo dhaqaale haddana siyaasada UAE ay u soo jeedo gobolka.

Dhinaca kale waxa muuqata siyaasada is xulafaysiga iyo saaxiibo urursiga ee quwadaha aduunka ku loolamaya oo gobolada bariga dhexe iyo Geeska Africa saameyn xoogan ku leh.

QALINKI; Mohamed Abdi Jama “M. Dhimbiil

COMMENTS
LINKS