𝗚𝗢𝗢𝗥𝗠𝗔 𝗔𝗬𝗔𝗬𝗡𝗨 𝗛𝗘𝗟𝗔𝗬𝗡𝗔𝗔 𝗗𝗔𝗪𝗟𝗔𝗗 𝗪𝗔𝗡𝗔𝗔𝗚𝗦𝗔𝗡 𝗢𝗢 𝗗𝗔𝗗𝗞𝗘𝗘𝗗𝗔 𝗔𝗗𝗘𝗘𝗚 𝗦𝗜𝗜𝗦𝗔 ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
𝗚𝗢𝗢𝗥𝗠𝗔 𝗔𝗬𝗔𝗬𝗡𝗨 𝗛𝗘𝗟𝗔𝗬𝗡𝗔𝗔 𝗗𝗔𝗪𝗟𝗔𝗗 𝗪𝗔𝗡𝗔𝗔𝗚𝗦𝗔𝗡 𝗢𝗢 𝗗𝗔𝗗𝗞𝗘𝗘𝗗𝗔 𝗔𝗗𝗘𝗘𝗚 𝗦𝗜𝗜𝗦𝗔 ?
February 27, 2022 - Written by Editor:

Waa su’,aal uu isweydiinayo qofwaliba , xataa dadkii usoo halgamay dib ula soo noqoshada dawladnimada jamhuuriyada Somaliland ayaa marka aad la sheekaysato 90% saluugsan xukuumadihii kala dambeeyey iyo hab-dhaqankooga siyaasadeed.

Dawladnimada waa heshiis bulsho ( social contract ) loogu talogalay in dadkii heshiiskaasi dhigtay iyo dadkooga mustaqbalka in ay ilaaliso , adeeg dawladnimo siiso , horumar dad iyo dalba laga hello si isku wada mid ah iyaga oo aan lagu kala sad bursanayn isir , abtirsiin iwm.

Si loo hello arimahani aynu soo sheegnay dhamaantood waxa aynu sameysanay dastuur iyo xeerar lagu dhaqmo si aan jidka iyo yoolka umada iyo ka qarankuba meesha uga bixin , dastuurkaasi oo ay ku suntan yihiin xuquuqaha iyo waajibaadka muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland .

Jamhuuriyada Somaliland oo soddon jirsatay lagama hayo ujeedooyinkii iyo waxii loo sameeyey qaranka jamhuuriyada Somaliland,  wadadii lagu helayeyna lama hayo marka aad eegto hab fekerka iyo dhaqanka siyaasadeed ( political culture) jira , waa arin laga murugoodo runtii qofkasta oo damiir lihina ka damqado.

Waxa aan is leeyahay in aynaan helayn dawladnimada aynu rabno ee seeskeedu yahay maamul wanaaga , dhibirsanaanta , waxtarka iyo dhugo nuglaanta dadkeega si ay uga helaan waxii ay u sameysteen ilaa aynu habka fekerkeena iyo wadada siyaasada ee qodxaha badan ee aan meelna ina gaadhsiinayn ka baydhno.

Dhibta maanta taagani maaha hogaanka qaranka iyo dadka uu xushay , ee waa seeska siyaasadeena ayeynu ku fadhiisinay qabiil inaga oo og in aan qaranimo iyo qabiil meel wadagali karin .

sidoo kale waxa aan inoo dhisnayn hanaan wanaagsan ( system) dawladnimo oo adag , waa sababta xeerarka dalka looga dhigtay la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan , ee lagu shaqeeyo doonista hadba dadka inta kooban ee talada hayaa sida ay jecel yihiin , kaasina wax ina wadaya maaha.

𝙂𝙤𝙤𝙧𝙢𝙖 𝙖𝙮𝙚𝙮𝙣𝙪 𝙝𝙚𝙡𝙖𝙮𝙣𝙖𝙖 𝙙𝙖𝙬𝙡𝙖𝙙𝙣𝙞𝙢𝙖𝙙𝙖 𝙖𝙮𝙣𝙪 𝙧𝙖𝙗𝙣𝙤 ?

Waxa aynu helaynaa marka uu seeska iyo yagleelkeedu ka badqabo qalooc iyo wax waliba oo dulin ku ah dawladnimada oo aynu raacno ujeedooyinkii aasaasiga ahaa ee aynu u sameysanay dawlada iyo waxa ay dhigayaan shuruucda dalku tusaale ahaan ;

1- Xisbiyada/ururada siyaasada waxa aynu u sameysanay in aynu qabyaalada kaga baxno oo dadku aragti iyo afkaar siyaasadeed isku raacaan , ma haynaa maanta ?

2- Waxa aynu u sameysanay in ay dawladnimadu ilaaliso qiyamka iyo dadnimada sharafteeda oo raacno in diinta iyo dhaqanka suuban ee umadnimo ay lagu socdo, ma haynaa maanta ?

3- waxa aynu u sameysanay in ay dadka jamhuuriyada Somaliland walaalayso oo u cadaalad sameyso , ma haynaa maanta ?

4- Waxa aynu u sameysanay in qofwaliba xaqiisa iyo xuquuqdiisa dastuurka iyo xeerarku u damaanad qaadeen uu helo , hadii ay tahay mid nololeed , bulsheed , dhaqameed , diimeed iyo mid siyaasadeedba , ma haynaa maanta ?

5- Waxa aynu u sameysanay in dadku isku mid ahaado oo waxa dadku wada leeyahay aan in koobani ku gaadhin barwaaqo iyo badhaadhe gaar ah iyaga oo dadkii kale haraad iyo gaajo hayso , ma haynaa maanta ?

𝙈𝙖𝙭𝙖𝙮𝙣𝙪 𝙠𝙖𝙜𝙖 𝙗𝙖𝙭𝙖𝙮𝙣𝙖𝙖 𝙘𝙖𝙦𝙖𝙗𝙖𝙙𝙖𝙝𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙙𝙝𝙞𝙗𝙖𝙖𝙩𝙤𝙤𝙮𝙞𝙣𝙠𝙖 𝙝𝙖𝙙𝙖 𝙩𝙖𝙖𝙜𝙖𝙣 ?

Waxa aan qabaa in umadani u baahan tahay hogaamiyeyaal siyaasadeed oo u jeexa jid wanaagsan oo mustaqbalka dadka jamhuuriyada Somaliland ee hada jooga iyo kuwa iman doonaba bad-baadiya.

Siyaasadu waa seeska nolosha aadamaha sababta oo ah waa dejinta qorsheyaasha hada lagu shaqeeyo iyo kuwa mustaqbalka halka laga gorfeeyo , waa habka adeeg iyo isku filaansho umadeed loo sameeyo.

Siyaasad wanaagsan ayaa umadeeda gaadhsiisa waxbarasho wanaagsan,  caafimaad wanaagsan,  biyo iyo dhamaan baahiyaha aas-aasiga ah ee umadi u baahan tahay,  waxaana ay ku iman kartaa uun laba sababood ;

1- Alle swt oo hogaamiye wanaagsan inaga soo dhex saara oo inaga saara xiligani adag iyo waayahan tiiha badan leh.

2- Iyo dadkeena oo wada hagaaga kana baxa qoqobka , qabyaalada iyo wax badan oo aan dan inoo ahayn oo dalka iyo dadkiisaba halkaasi dhigay.

Somalidu waxa ay ku maah-maahdaa raqba waa ku rageed e , Saban walba dadka inta joogta ayuun baa ku suntanaan doonta , markaa akhriste waxaa ina saaran masuuliyad wadareed hadda iyo mustaqbalka dambeba isugu jirta ee haloo kaco dalka.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama (Dhimbiil Mohamed)

COMMENTS
LINKS