“Waa Maxay Aragtida Somaliland Ee Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waa Maxay Aragtida Somaliland Ee Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar?
March 6, 2022 - Written by Editor:

Waa lama-huraan in aan wax iska weydiino aragtida Hoggaamin siyaasadeed ee Madaxweyne Mustafe ee Somaliland. Innaga oo ka shidaal-qaadannayna dhaqan siyaasadeeda ee nidaamkiisa xukuumadeed, khudbadihiisa siyaasiga ah iyo socdaalladiisa shaqo kuwaas oo dhammaantood laga akhriyi karo wuxuu Somaliland ka aaminsan yahay.

1.Waa Madaxweynihii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay Ee isaga oo kursiga ku fadhiya fagaareyaal kala duwan Somaliland ka ammaanay ee si gobonnimo iyo garawshiyo leh waxa Somaliland u qabsatay xusay isaga oo ku tilmaamay in ay Somaliland hormuud u tahay Dumuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Soddon sanno oo Somaliland halgan ugu jirtay helista Madax-bannaani Qarannimo hoggaamiyaha keliya ee madaxda Soomaalida ka badheedhay in uu Somaliland wanaaggeeda daaha ka qaadaa waa; Mustafe M Cumar.

Hadda ba hiilkiisaa walaalnimo diwaanka taariikhda Somaliland wuxuu ka geli doonaa; safafka hore ee baalasha dahabka ah. Indheer-garadka reer Somaliland na way u og yihiin qiimaha hiilkiisu wuxuu uga dhigan yahay qarannimada Somaliland.

Madaxweyneyaasha kale ee intaas Mustafe gartay iyaga oo garanaya naga la masuugayna waxa aan leeyahay;

” Waxaan godobtiisu hadhin,

Car aad leedahuu og yahay,

Nin kaaga masuugay gole. Gurmad-Gaarriye (AHN)

Marka laga tago inta goor ee ammaanta iyo wanaagga Somaliland ee uu Madaxweyne Mustafe gudaha dalkiisa ka sheegay, waxa la yaab lahayd shirkii ugu dambeeyay ee Heritage Djibouti ku qabato 2021 erayadii uu ka yidhi xilli aanay meeshaas joogin cid Somaliland matasha isla markaa madaxdii kale ee deegannada kala duwan ka socotayna ay carrabka ay ka dhawrayeen magaca Somaliland wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay bartaas ka caddeeyay Somaliland iyo doorkeeda amniga Geeska.

2;-Geesta kale waa madaxweynihii ugu horreeyay Soomaaliyeed ee isaga oo xilka haya Somaliland bookhda weli wax ka badan hal mar. Taasina waa hiil labaad oo aan doonayo in shacabka reer Somaliland ku baraarugsanaadaan.

Ugu dambayn haddii aan is-barbar-dhigno aragtiyaha hoggaamineed ee Somaliland ku aaddan ee Madaxweyne-hore Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweyne Mustafe Maxamuud Cumar kala aaminsanaayeen kuna kala shaqaynayeen.

Aan ku horreeyo aragtidii Cabdi Maxamuud uu Somaliland ka aaminsanaa; oo ahayd in Somaliland tahay hoyga argagixisada iyo dunuubta.  Nidaamkiisa maamul na aragtidaas gurracan uun bay ku sixir-goosanayeen taasina waxa ka dhashay boqollaal tacadi in loo gaysto shacabka reer Somaliland.

Halka Madaxwayne Mustafe Muxumed na Somaliland uga arkayo nidaam wanaagsan oo wax badan laga baran karo sida; xorriyadda hadalka iyo dumuqraadiyadda.  Sida oo kale  jaar-wanaag iyo iskaashi dhaqaale oo labada dhinac ba badhaadhe u horseedi kara ayuu aaminsan yahay, kana shaqaynayaa. Isagana nidaamkiisa xukuumadeed wuxuu ka shidaal-qaatay aragtidaas wanaagsan, taasina waxa ay horseedday in shacabka reer Somaliland xurmo iyo maamuus ku helaan guud ahaan meel kasta oo ka bookhdaan deegaanka.

Hadda ba qoraalkan waxa igu dhaliyay in aan Jigjiga gudaheeda ku Arkay dad Madaxweyne Mustafe ku dhalliilaya xidhiidhka iyo macaamilada wanaagsan ee uu Somaliland la sameeyay.

Sidaas darteed, baan waajib ugu arkay in madaxweynaha guud ahaan hiilkiisa taariikhiga ee uu Somaliland u sameeyay mid bogaadin, dhiiri-gelin iyo garab-istaag mudan. Gunaanadkii aan qormadan ku soo af-meerayo murti-maahmaaheedda Soomaaliyeed ee tidhaa; Libaax nin ganay iyo nin galladay kala og.

QALINKII; Cabdinaasir Axmed Abraham.

COMMENTS
LINKS