𝗦𝗛𝗜𝗥𝗞𝗔𝗗𝗜𝗛𝗜𝗜 𝗦𝗛𝗜𝗗𝗔𝗔𝗟𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗥𝗔𝗬𝗞𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗘𝗘 𝗛𝗘𝗦𝗛𝗜𝗜𝗦𝗬𝗔𝗗𝗔 𝗞𝗨𝗟𝗔 𝗝𝗜𝗥𝗔𝗬 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔 𝗠𝗔 𝗟𝗔 𝗞𝗨𝗟𝗠𝗜 𝗗𝗢𝗢𝗡𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗪𝗘𝗬𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗦𝗢𝗠𝗔𝗟𝗜𝗟𝗔𝗡𝗗 𝗜𝗬𝗢 𝗪𝗔𝗙𝗧𝗜𝗚𝗜𝗜𝗦𝗨? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
𝗦𝗛𝗜𝗥𝗞𝗔𝗗𝗜𝗛𝗜𝗜 𝗦𝗛𝗜𝗗𝗔𝗔𝗟𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗥𝗔𝗬𝗞𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗘𝗘 𝗛𝗘𝗦𝗛𝗜𝗜𝗦𝗬𝗔𝗗𝗔 𝗞𝗨𝗟𝗔 𝗝𝗜𝗥𝗔𝗬 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔 𝗠𝗔 𝗟𝗔 𝗞𝗨𝗟𝗠𝗜 𝗗𝗢𝗢𝗡𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗪𝗘𝗬𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗦𝗢𝗠𝗔𝗟𝗜𝗟𝗔𝗡𝗗 𝗜𝗬𝗢 𝗪𝗔𝗙𝗧𝗜𝗚𝗜𝗜𝗦𝗨?
March 20, 2022 - Written by Editor:

Wafti Uu Hogaaminayo madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ayaa jooga dalka maraykanka oo kulano kala duwan la yeeshay masuuliyiinta aqalada congresska iyo Senateka maraykanka,  sidoo kale kulano siyaasadeed, amaan iyo dhaqaale ayaa iyaguna jira inta ogaalkay ah.

Haddaba maadaama uu aduunku galay xili adag oo shidaalkii qaaliyoobay lagana cabsi qabo in uu kor u sii kaco ayaa waxa aan aduunku ka fursanayn in la helo kaydad shidaal oo cusub oo la daah furo si loo miisaamo suuqyada shidaalka aduunka , fursadani oo kale waxa 20 kii sanadood ee la soo dhaafay ka faaiideystay wadamo badan oo galbeedka Africa ah oo loo soo saaray khayraadkoogii.

Dalka maraykanka waxa jira shirkadaha shidaalka soo saara oo heshiisyo la galay dawladii Soomaaliya ee burburtay intii u dhaxaysay 1986 ilaa 1990 waxaana inta la og yahay jira ilaa todoba heshiis oo shirkadaha maraykanka ee kala ah ;

1- Chevron

2- Connoco

3- Amoco

4- Philips

5- Parker & Conoco

6- Mobil & Shell

Dawladii soomaaliya waxa ay ka qaaday shirkadahani lacago hor u marin ah oo intoodii ugu badnayd loo adeegsaday duqeymihii iyo dagaaladii ay dawladii soomaaliya ku haysay qaybo ka mid ah dadkeegii ( Somaliland) oo rabay gooni isutaag ahaana xornimo u dirir.

Haddaba marka taariikhda dib loo raaco waxaa la leeyahay dalka maraykanka waxaa ka go’naa in uu soo saaro shidaalka soomaaliya sidii xiligaasi loogu soo saaray Yemen oo uu ku bixiyey $18milyan Bush oo xiligaasi ahaa Madaxwayne ku xigeenkii Ronald Reagan sida ay qortay los-angles times 1993.

Qorshihii samato bixinta soomaaliya loogu magac daray ee dalka maraykanku 20,000 kun oo askari ku keenay Soomaaliya ayaa waxa isagana la leeyahay Madaxwayne Bush oo xiligaasi Madaxwayne ahaa waxa uu daba socday qorshayaashii maraykanka ee ahaa in shidaalka soomaaliya la soo saaro waxaana uu danaynayey in soomaaliya dawlad loo dhiso xiligaasi oo ay hogaamiyayaashii jabhadaha iyo maraykanku isaga hor yimaadeen Muqdisho oo ay ciidamadii nabad ilaalinta kaga dhinteen 19 askari oo maraykan ah iyo 1 askari oo Pakistan ah.

Waxaa haddaba jirtay in dawladihii kala dambeeyey ee maamulka Muqdisho ay heshiisyo la galeen shirkado shidaal oo badan laga soo 2004 , kaasi oo meesha ka saaraya heshiisyadii ay dawladii soomaaliya la gashay shirkadihii maraykanka ee shidaalka baadhayey 1986 ilaa 1990.

𝗦𝗢𝗠𝗔𝗟𝗜𝗟𝗔𝗡𝗗 𝗜𝗬𝗢 𝗙𝗨𝗥𝗦𝗔𝗗𝗔𝗛𝗔 𝗛𝗢𝗥𝗬𝗔𝗔𝗟𝗟𝗔.

Somaliland waxa lagu tilmaamay in ay tahay dhulka noocyada shidaalka ee kala duwani ceegaago , sidoo kale sahamo shidaal iyo macdan baadhis oo la sameeyey hore iyo dambeba waxa ay cadeeyeen in dhulka Somaliland yahay kaydka shidaal ee ku xiga ka dawladaha khaleejka carbeed ee shidaalka qaniga ku ah.

Shirkadihii xiligii soomaaliya heshiisyada shidaal soo saarista lala galay 68% dhulka ay ka baadhayeen waxa uu ahaa dhulka gubanka ee waqooyiga Somaliland iyo bariga Somaliland, mar hadii ay dawlada soomaaliya ka baxday heshiisyadii shidaalka ee xiligaasi la galay oo dalkiina kala noqday Somaliland iyo Soomaaliya maantana baahida shidaalka ee aduunku ay tahay mid aad baaxad weyn Somaliland waxa ugu jirta fursad ay shirkadihii Conoco,Philips,Amoco , Mobil iyo Shell kula kulmi karto si shidaalka loogu soo saaro.

Waftiga uu hogaaminayo madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland oo ku sugan maraykanka ayaa guulo badan ka soo hooyey safarada sida warbaahinta caalamka iyo baraha bulshaduba qaadaa dhigeyso , waxaana horyaalla fursad kale oo dahabi ah oo ay dhaqaalaha jamhuuriyada Somaliland wax weyn isaga badeli karaan mar hadii dawlada maraykanka uu horyaalo mooshin ah jamhuuriyada Somaliland gaar iskaashi ula sameeyo maraykanku.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama

 

COMMENTS
LINKS