“Somaliland Waxaanu Soo Galiney Computerkii Caalamka”!Cabdirasaaq Askar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Waxaanu Soo Galiney Computerkii Caalamka”!Cabdirasaaq Askar.
March 26, 2022 - Written by Editor:

Bal Dib iila milicsada Sannadkii 1992 oo aan idin xasuusiyo  Dhacdo aan filaayo in aad idinkuna  xasuusan doontaan. Goobtu waxay ahay Khayriyada badhtamaha Hargeysa, waa Cabaaro 10:00  Subaxnimo, waxaa jirey khudbado ay ummadda Reer Hargeisa u jeedinayeen qaar kamid ah wasiiradii Xukuumadii AHN  Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali, waxaa kamid ahaa wasiiradaa Marxuum Sh Yusuf Sh Cali Sh Madar oo Ahaa Wasiirkii Arimaha Dibedaa ee wakhtigaa, waxaa kamid Aahaa weedhihii uu halkaa shacabka uu uga jeediyey isaga oo Markaa kasoo laabtay safar uu dibeda ugu baxay oo aqoonsi Raadis ahaa. “ Wallaahi Qaranimadda Somaliland waxaan soo Galiyey Computerka caalamka” nasiib-darada jirtay wakhtigaa , Computer kaba waxaa loo haystay wax kale. Aqoon la’aan inaga Haysatay dartee. Dadka qaarna waxay umalaynayeenba aaladii Aqoonsiga keenaysay .

Kelmaddaasi waxay shacabku isugu Tahniyadaynayeen muddo bilo ah “ Somaliland hadda ayaa la Aqoonsanayaa” maadaama oo aynu galnay computerkii dunida.

Gabagabadii, 1992 iyo 2022 laba sanadood oo isku sansaan eeg, Marka laga eego qiiradda shacabka iyo haddalada Hogaamiyaasha dalka.

Wabillaahi Tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa Somaliland

 

 

COMMENTS
LINKS