Isha Saddexaad Ee Aadamaha!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isha Saddexaad Ee Aadamaha!!
March 29, 2022 - Written by Editor:

ISHANI waxa ay qaab ahaan u sameysantahay sida indhaha kale, waxaana ay dhacdaa badhtamaha maskaxda, waa IL -Waayo waxa ay dareentaa iftiinka iyo mugdiga labada ba- sidoo Kale waxa ay leedahay nudayasshii retiinaha Ee indhaha sida rods & cones.

Dheecaanka ‘melatonin’ waa hoormoonka keliya e ay leedahay, waxa uu maamulaa hab-gudeedka baayoolojiyeed Ee jidhka jaangooya hurdada, kicidda, daalka iqk (circadian rhythms) si la mid ah waxa ay maamushaa qanjidhka ‘pituitary gland’ kaas oo qabta soo saaridda dheecaannada ugu badan Ee jidhkeenna looguna magac-daray ‘master gland’.

Isha tani waxa ay awood u leedahay in ay aragto caalamka-qarsoon halka ay indhaha kale ka arkaan caalamka-muuqda (physical world)

Cilmi ahaan waa mid ka mid ah waxyaabihii ugu dambeeyay Ee la daah-furo/ogaado jidhka aadanaha. Magac-cilmiyeedkeeduna waa PINEAL GLAND.

QALINKII; Mubarek Qawdhan.

COMMENTS
LINKS