Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhiyay Maxkamadda Racfaanka Gobolada Awdal Iyo Salel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Lagu Kordhiyay Maxkamadda Racfaanka Gobolada Awdal Iyo Salel.
May 17, 2022 - Written by Editor:

SAYLAC(W,N)-Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cumar Geele oo ay wehelinayeen, La taliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro), Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal Sh. Idiris Axmed Muuse, Duqa magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame (Baradho), Ku Xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Awdal Cabdi Haybe, Guddoomiye ku xigeenka Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA Mukhtaar Daahir Jibriil, Taliyaha Jeelka Boorama Siciid Xuseen Caynaan iyo Axmed Xuseen Shaafici oo ah ijineerkii dhismahan hirgaliyay ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismayaal ka kooban 5 xafiis iyo hoolka dacwadaha lagu qaado oo dhawaan lagu kordhiyay Maxkamadaha Gobolka Awdal iyo Salel.

Ugu horayn waxa warbixin kooban ka bixiyay maraaxilkii iyo baahidii loo qabay yagleelida dhismahan Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolada Awdal iyo Salel, Sh. Idiris Axmed Muuse waxaanu hoosta ka xariiqay in dedaal iyo isku tashi ay sameeyeen Maxkamadaha iyo ganacsatada gobolka Awdal uu ku hirgalay dhismahan, oo culays weyn ka qaaday Maxkamadda Gobolka Awdal oo qaybo ay kaga jirtay Maxkamadda Racfaanku, haatana qayb lexaad leh uu ka noqonayo geedi-socodka iyo hufnaanta shaqo ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal. Dhismahan ayaa ka kooban hoolkii dacwadaha, laba xafiis garsoore, xafiiskii kaalinta Maxkamadda Racfaanka, xafiiskii arkiifiyada iyo xafiiskii guddoomiyaha. Taliyaha Jeelka magaalada Boorama, ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha gobolka Awdal, Guddoomiye ku xigeenka Qareenada ayaa iyaguna geestooda ka mara-kacay ahmiyada uu dhismahani ugu fadhiyo xoojinta iyo daah-furnaanta shaqo ee Maxkamadda Racfaanka, waxaanay dul istaageen in uu door weyn ka qaadan doono habsami u socodka shaqada maalinlaha ah.

Duqa magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame (Baradho) ayaa xusay in horumarka ka tisqaada bahda cadaaladu uu laf-dhabar u yahay qaybo badan oo dawladnimada ah, waxaanu xoojiyay yoolka ah in lasii kordhiyo dedaalka isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan sida wanaagsan ee ay uga qayb qaadanayaan horumarka Maxkamadaha. Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) ayaa isaguna geestiisa ku dheeraaday sida ay bulshada gobolku ugu diirsadeen in dhismahani u soo kordhay, isla markaana uga buuxiyay kaalin baahi weyn loo qabay, waxaanu xusay in ay muhiim tahay in bulsho ahaan loo midoobo wax wada qabsiga iyo iskaashiga si looga midho dhaliyo horumar taaba-gala.

Ugu danbayn Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cumar Geele oo madasha soo xidhay ayaa ku bogaadiyay hoggaanka iyo hawl-wadeenada Maxkamadaha Gobolka Awdal dedaalka baaxada leh ee ay sameeyeen, waxaanu sheegay in Maxkamadda Sare diyaar ula tahay in ay doorkeeda ka qaadato baahiyaha kale ee ka jira Maxkamadaha Gobolka Awdal. Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu kormeer ku soo maray Maxkamadda Degmada Boorama oo iyadana horumar wanaagsani ka socdo isla markaana dhawaan dhisme kordhin lagu samayn doono. Ugu danbayn wuxuu guddoomiyuhu kula dardaarmay bahda Garsoorka Gobolka iyo guud ahaan hawl-wadeenada bahda Garsoorka JSL in ay mar walba ku dedaalaan cadaaladda iyo sinnaanta bulshada siina xoojiyaan juhdiga ay ugu jiraan in ay gaadhaan arrintaasi.

COMMENTS
LINKS