Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Talooyin Muhiim Ah Usoo Jeediyay Madaxwayne Biixi Iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Talooyin Muhiim Ah Usoo Jeediyay Madaxwayne Biixi Iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka!
May 18, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa fariin u diray Axsaabta Qaranka isagoo khudbad ka jedinayay munaasibada xuska 18may ee caawa lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

“Madaxda Axsaabta Qaranka waxaan leeyahay Waxaynu u baahanay hadalada dhiilada leh ee dalkeena iyo dadkeena wax yeelaya inaynu iska ilaalino.

Waxaan in badan maqlaa iyadoo hadal badan loo jeedinayo dadka shacabka ah. Dadka shacabka ahi waxay doorteen inta madaxda ah ee golayaasha Qaranka ku jirta xilkuna intaasu saaran yahay.

Maalin walbana eeda cidaan lahayn in dusha laga saaro oo shacabka loo jeediyaa wax wayn kordhin mayso.

Madaxda Xisbiyada waxaan leeyahay ceeb iyo gunimo maaha inuu qofku u danqaato danta guud iyo maslaxada ee waa sharaf, waa guul waa gobonimo.

Waxaan Madaxweynahana kula talinayaa inaanu talada ka qaadan in talo xumaan ah ee uu ka qaato inta maalinta uu khaldan yahayna tidhaahda waar fadhiiso, marka uu saxan yahayna garnaqsan karta oo aragtidiisa gole gayn karta oo iibin karta.”

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS