“Amaantaydii Gabiley, Ma Ahayn Af gobaadsi, Hadal Gole Ka Fuul, Iyo Erayo Gole Kaga Kac Ah Toonna”Siyaasi Maxamuud Xaashi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Amaantaydii Gabiley, Ma Ahayn Af gobaadsi, Hadal Gole Ka Fuul, Iyo Erayo Gole Kaga Kac Ah Toonna”Siyaasi Maxamuud Xaashi.
May 19, 2022 - Written by Editor:

“Amaantaydii Gabiley, Ma Ahayn Af gobaadsi, Hadal Gole Ka Fuul, Iyo Erayo Gole Kaga Kac Ah Toonna”Siyaasi Maxamuud Xaashi.

Siyaasaddu waxay leedahay saboolnimo iyo saaruf. Haddaba, siyaasadda Somaliland ninka aan sabada gobolka gebiley,  sabuul uga sarcanayn, ama aan siidh uga abqaalayn, sidiisaba waa sabool, ama waa saaruf, aan aqoon surmaseegtooyinka, saymaha,  iyo sirta guusha siyaasadda suuban.

Erayadan ibo-furka ahi, waxay ahaayeen kaftan ku jiray khudbadii aan ka jeediyay shalay,  fagaaraha khayriyadda Gebiley.

Horaa loo yidhi, reer magaal hadalkiisa kaftan buu ku idleystaa. Odhaahdani ma ahayn,  afgobaadsi, hadal gole ka fuul, iyo erayo gole kaga kac ah tonna.  Balse,  xaqiiqdii waxay ahayd erayo ka yimi uurkayga, oo aan u idhi ula kac, ikhlaas iyo adaynti.  Allahayoow,  xasuus baa illeyn Geel lagu xergeeyaa.

Marka aan dib u milicsado, sooyaalkii iyo silsiladdii taariikhda, doorashooyinkii dalka ka dhacay, gaar ahaan gobolka Maroodijeex, 2003, 2005, 2010, 2012, iyo 2021. Xisbigii Kulmiye ee aan ka midka ahaa, odayaashiisa, iyo aasaasayaashiisa unkay,   had iyo jeer, waa lagaga adkaan jirey doorashooyinka degmada Hargeysa. Hasayeeshee,  xisbiga Kulmiye wuxuu luqunta kor u taagi jirey, oo libaysan jirey, marka la isu geeyo tirada cod bixiyaasha gobolka Maroodijeex. Gaar ahaan marka ay soo dhacaan, tirada codadka dhawaaqa kulul ee reer Balli-gubadle,  iyo tirada codadka daadka iyo duufaanka ah ee reer Gebiley.

Siyaasadda ruuxa habeenada lihi, waa haldoorka  aan aqoon habayaraatee, hogaga iyo hillimada saxda ah.  Waa haldoorka humaagu ka galo,  halka uu hiilka siyaasadda ka helayo,  iyo halka aannu ka helayn.

Sidaa darteed, Gebiley waa guri gobeed, oo ku suntan guusha iyo xaragada xisbiga Kulmiye, ee gobolka Maroodijeex, xilli kasta,  iyo xaalad kasta.

Bello ku ciyaadhay!!

Aar maxaan galab soo joogey, guluf siyaasadeed,  iyo goobo ina rag isku galay,  oo lagu kala guulaystay.

Aar maxaan gacaloow, siyaasad iyo camalkeed,  sir iyo caad aan wax uga ogahay, inta aan sheeko iyo shaahid hayo.

Sunnaha iyo silsilada nolosha,  waxaan ka bartay, curad,  curad adag u lahaw.

Culinna, culin caan ah  u lahaw.

Codkar, Codkar kale u lahaw.

Ciyaaryahan, ciyaaryahan carbisan u lahaw.

Cuud, cuud u lahaw.

Cudud, Cudud kaa caabisa u lahaw.

Hadal meel godon buu isugu tagaa, ee waxaan uga gol leeyahay.  Cod kaa dhan ah , oo ku ciila, cod kula dhan ah, oo aad ku ciil baxdo u lahaw.

Hambalyo Somaliland oo dhan,  hambalyo gobolka cagaaran ee Gebiley.

Allahayoow,  maxaa ka run badan,  murtada soomaaliyeed ee tidhaahda. (Libaax nin ganay,  iyo nin galadayba og).

Qalinkii Siyaasi Maxamuud xaashi.

COMMENTS
LINKS