Muhaajiriintii Ugu Horreeyey Ee Laga soo Celinayo Dalka UK Oo la Keenayo Rwanda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muhaajiriintii Ugu Horreeyey Ee Laga soo Celinayo Dalka UK Oo la Keenayo Rwanda!
May 20, 2022 - Written by Editor:

LONDON(W,N)-Qeybtii ugu horreysay oo ah dad magangalyo doon ah oo laga soo qaadayo dalka UK, taasi oo qeyb ka ah heshiis muran badan dhaliyey, ayaa la filayaa inay yimaadaan dalka Rwanda toddobaadyada soo socda, sida ay sheegeen saraakiil sare oo ku sugan Kigali.

Tan iyo markii lagu dhowaaqay bishii tagtay, heshiiska u ogolaanaya Britain inay muhaajiriinta iyo dadka magan-galyo doonka ah usoo dirto Rwanda ayaa waxaa si aad ah u cambaareeyey kooxaha xuquuqda aadanaha, mucaaradka labada dal iyo xitaa QM.

Sida ku cad heshiiska, dowladda Britain ayaa qof kasta oo si sharci-darro ah kusoo gala UK, iyo sidoo kale kuwii ku yimid sharci-darrada tan iyo 1-dii Janaayo, waxay usoo diri doontaa Rwanda.

War-saxaafadeed uu soo saaray Khamiistii ayaa Alain Mukuralinda oo ah ku-xigeenka afhayeenka dowladda Rwanda ku yidhi “Dowladda UK waxay nagu wargelisay in qeybtii ugu horreysay oo ah koox ka kooban 50 qof loo sameyn doono dib u dejin, waxaana rajeyneynaa inaan war ka helno saaxiibadeena UK toddobaadyada soo socda.”

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Rwanada, dowladda Britain ayaa illaa $157 milyan siin doonta Rwanda, islamarkaana muhaajiriinta ayaa “lagu dhex dari doonaa bulshooyinka kala duwan ee dalkaas.”

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa qorshahan ugu yeeray “wax ka baxsan bani’aadaminimada.”

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay in Rwanda ay tahay “mid ka mid ah dalalka ugu amniga badan dunida.”

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sidoo kale difaacay qorshaha isaga oo sheegay in Kagali “aysan ka ganacsaneyn dadka,” markii ay saxiixay hehsiiskan.

COMMENTS
LINKS