Xog-Waranka Xoghayihii Shir-Weynihii Aayo Ka-Tashiga Beelaaha Somaliland Ee Burco, Xaaji Aadan Axmed Diiriye. W/Q: Miyir Cali Xuseen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xog-Waranka Xoghayihii Shir-Weynihii Aayo Ka-Tashiga Beelaaha Somaliland Ee Burco, Xaaji Aadan Axmed Diiriye. W/Q: Miyir Cali Xuseen
May 20, 2022 - Written by Editor:
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

Shir-weynihii aayo ka-tashiga beelaha Somaliland ee magaalada Burco oo ahaa shirkii ugu cuslaa abid ee ay iskugu yimaadaan beelaha wada dega Jamhuuriyada Somaliland, oo magaalada Burco ka qabsoomay 27kii Abriil ilaa 5tii May, 1991kii.  Shirkan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhamaan madax-dhaqameedka, waxgaradka, ganacsatada, siyaasinta beelaha Somaliland iyo xubnihii iyo hogaankii ururkii SNM, kaasi oo ay beel kastaaba iskeed ah isu-soo abaabushay sidii ay uga qayb noqon lahayd go’aamada iyo aayo ka-tashagii ay isugu yimaadeen guud ahaan ummadda reer Somaliland.

Shirkan Burco ayaa waxa lagu go’aamiyey qaraarkii lagu bayaamiyey in Jamhuuriyada Somaliland ka noqotey midowgii labadii dal ee Waqooyiga (Somaliland) iyo Koonfurta Soomaaliya, ee ay ku midoobeen 1dii Julaay, 1960kii. Isla markaasina waxa lagaga dhawaaqay madaxbanaanida iyo gooni isku-taagii Jamhuuriyada Somaliland.

Shirkan oo ay ka horeeyeen shirar dhawr ah oo gogol xaadh u ahaa oo ay si gaar gaara iyo si guud-ba isugu yimaadeen haldoorka iyo wax-garadka beelaha Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen shirkii deegaanka Oog, shirkii deegaanada Tulli iyo Boorama iyo shirkii walaalayn-ta iyo isa-saamaxaada beelaha Somaliland ee lagu qabtay magaalada Berbera 15-27 Feebarwari 1991kii, oo ahaa shirkii lagu go’aansaday in dhamaan beelaha Somaliland si wada-jira uga soo qayb-galaan shir-weyne balaadhan oo ay kaga tashanayaan aayahooda iyo jiritaankooda danbe oo ka dhacaaya magaalada Burco, kaasi oo ah kan la iskugu yimi.

Shir-weynaha aayo ka-tashiga beelaha Somaliland ee Burco ayaa waxa todobaadkii ugu horeeyey ay guurtidii metelaysay beelahu ka doodeen halka looga dhaqaaqaayo xaalada dawlad la’aaneed ee dalka ka jirtay iyo sidii beelaha Somaliland u samaysan lahaayeen nidaam maamul oo ay u dhan yihiin iyo sidoo kale sidii sees adag loogu dhigilahaa nabad waarta oo ay ku wada noolaadaan guud ahaan beelaha Somaliland.

Xoghayihii shirkan Burco, Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ugu horeyn ka waramaaya abaabulkii hore ee shirankan aayo ka-tashiga beelaha Somaliland ee Burco iyo ajandeyaashii iyo ujeedooyinkii loo abaabulay, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:

“Markii SNM ay dalka xoraysay ee lagu guulaystay halgankii mudada badan socday ee aynu ku ridaynay rajiimkii Siyaad Barre, waxay SNM qabatay oo ay gogol u fidisay guud ahaan beelaha dega Somaliland oo qaybina SNM ahayd, qaybina aanay raacsanayn oo ay dhanka kale ahaayeen. Gogoshaa SNM u fidisay beelaha ayay isugu yimaadeen, waxgaradkii cuqaashii, Salaadiintii guud ahaan beelaha Somaliland wada dega min Ceelaayo illaa Lawyacaddo, waxaanay SNM isku dayaysay in ay ergooyinka beeluhu gaar u soo wada hadlaan oo isa soo turxaan bixiyaan, la isna saamaxo oo dib u heshiisiin ay madaxdhaqameedka iyo wax garadka beeluhu soo wada sameeyaan.

Markii ergooyinka beeluhu gaarkooda u gudo-galeen arrimaha aayo ka tashiga ummadda waa la xisaabtamay oo waxaa la is waydiiyay guud ahaan dalkii Somaliland ee Ingiriisku gumaysan jiray ay faa’iido ka hayaan midnimadii ay la galeen Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray ee ay horumar ka arkeen intii ay jirtay wixii la odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxaanay noqotay   dhan kasta markii laga eegay sadex shay oo labana ay Soomaaliya ku danaysanaysay midna ay dirqi ku hirgashay.

Sadexdaa shay ee  wax faa’iido ah laga arkay waxay kala ahaayeen dhismaha dekeda Berbera oo waxa ka soo baxa ay reer Soomaaliya qaadan jireen illaa maalintii la midoobay, wadada laamiga ah ee isku xidhaysay Laas-caanood illaa Dilla oo ay boobka khayraadka reer Somaliland u soo mari jireen mida sadexaadna waxay ahayd wershadii sibidhka oo dirqi ku hir gashay Maamulkii reer Soomaaliyana ku dedaalayeen in wershadaana Koonfur laga dhiso dhagaxa sibidhkana buuraha Berbera  in laga qaado  taasoo markii dambe dirqi lagaga dhisay Berbera, waxa kaliya ee 60-kii illaa 1991-kii   innaga soo gaadhay intaasay noqotay. Waxaa kale oo wax la iska weydiiyay maxaynu dhibaato ka dhaxalay.”

Xaaji Aadan Axmed oo ka waramaaya sidii shirka loogu lafo-guray khasaarihii iyo wax-qabad la’aantii shacbiga Somaliland ka dhaxleen midowgii ay Koonfurta Soomaaliya la galeen, ayaa waxa uu yidhi:

“Khasaarihii ka dhashay ee reer Somaliland midnimadii 1960-kii ka soo gaadhayna wuxuu noqday mid aan la qiyaasi karin oo dad, dal iyo duunyaba saameeyay. Waxaa la waayay gobol kaliya oo ka mid ah Somaliland oo hal mashruuc oo faa’iido leh laga hir-galiyay, waxaa laga quustay wax kaliya oo la taaban karo oo guud ahaan bulshada Somaliland ka heshay midnimadii, taas oo min Lawyacado illaa  Laas-qoray ay ka sinnaayeen dib u dhaca iyo boobka ay ku hayeen madaxdii kala dambaysay ee reer Soomaaliya. Intaa waxaa dheeraad ku sii ahaa gumaadkii iyo xasuuqii uu kula kacay qaybo ka mid ah beelaha reer Somaliland, waxaa kale oo intaa sii dheeraa in uu taliskii Siyaad Barre isagoo kursigiisa ku sii adkaysanaya in uu colaado kala dhex dhigay beelaha wada dega Somaliland”

Xaaji Aadan Axmed oo sidoo kale faahfaahinaaya sidii loogu dhawaaqay go’aankii ay bulshada reer Somaliland dib ugula soo noqonaayeen dawladnimadda iyo qaran-nimadooda Somaliland ee muddada sodonka sanadood ah kaga maqnayd midowgii lagu khasaaray ee ay dadweynaha reer Somaliland ku hoday, walaalnimo jacaylka iyo raadintii ay baadi-goobka ugu jireen in lamideeyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika ama shanti Soomaaliyeed. Isagoo faahfaahinaayana waxaa uu yidhi:

“Markii la isla gartay in waxaas oo dhibaato ahi ay ka soo gaadheen bulshadda reer Somaliland midnimadii ay la galeen koonfurta waxaa lagu go’aansaday oo la isla qaatay in dadka reer Somaliland oo isku dhan wax garadkii beeluhuna u wada joogaan in lala soo noqdo Madaxbannaanidii 1960-kii ay reer Somaliland iska tuureen gaarkoodana isu taagaan,  markaas ayaan ku dhawaaqay  la soo noqoshada gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland in guud ahaan ergada beelaha wada dega Somaliland isla qaateen intaa ka dibna go’aankii ay ergada beeluhu isla qaateen ee aan ku dhawaaqay ayaanu u soo gudbinay shirweynihii SNM oo  markii hore intay beelaha gogosha u fidiyeen isu daayay shirkaas oo uu guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo markaa ahaa Guddoomiye ku xigeenka ururka SNM intaa ka dibna waxaa halkaa si rasmi ah lagaga dhawaaqay dawladda Somaliland.”

Aadan Axmed oo hadalka sii-wata kana waramaaya, sidii uu dareenkoodu ahaa ergadii beelaha Somailand shirkan ku matalaysay maalintaa ay beeluhu isla qaateen la soo noqoshada Qarannimada Somaliland iyo wuxuu ka leeyahay hadalka   siyaasiyiinta Somaliland diidka ah ee ku dooda Somaliland looma dhammayn go’aanka qadiyada Somaliland ee beeshii SNM ayaa samaysatay, Xaaji Aadan oo arimahaas faahfaahinayaa ayaa waxaa uu yidhi:

“Horta SNM markii ay dalka qabteen ee ay dalka xoreeyeen waxay gogol nabadeed isugu keeneen guud ahaan beelihii Somaliland, SNM-na waxay waxgaradka beelaha u daysay in ay aayaha ummadda ka soo tallo bixiyaan dibu-heshiisiin dhab ahna ka dhex dhaliyaan beelihii colaadda laga dhex abuuray. Ergadii beelaha oo isu dhan ayaana gaadhay go’aanka Somaliland lagu dhisay SNM-na ula timi, hoggaankii SNM-na taasay nala qaateen.  Laakiin siyaasiyiinta Somaliland diidka ah ee dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkan, waxaan u arkaa fikirkooda Somaliland diidka ahi  inuu  ka dhashay  oo kaliya  mansab ay dalka ka waayeen  iyo dhaqankii aynu ka dhaxalay nidaamkii aynu la midawnay oo ka shaqayn jiray oo kaliya isku dirka iyo hurinta colaadda,  laakiin waxaan odhan lahaa Somaliland qasab iyo caadifad laguma dhisin ee rabitaan dadwayne iyo is xisaabin wixii midnimada dhib iyo dheef reer Somaliland ka dhaxleen ayaa la soo noqoshada Qaranimada lagu dhisay waanan hayaa waraaqihii ay wada saxeexeen waxgaradkii beelaha Somaliland oo mid kastaba deegaanka uu  ka socdo iyo magiciisu ku saxeexan yahay”

Dood iyo falan-qayn dheer kadib waxa ay ergadii shirka ku matalaysay beeluhu isla qaateen in dib loola soo noqdo madaxbanaanidii Qaran-nimada Somaliland, isla markaasina bulshada reer Somaliland ay samaystaan nidaam dawladeed oo ay gaarkooda u leeyihiin.

Qaabkii Xaaji Aadan Axmed Ugu Dhawaaqay Go’aanadii Shir-Weynihii Beelaha Somaliland Ee Burco:

Hadaba, hadii aynu si mugle oo faahfaahsan isku dul-taagno isla markaasina ugu guda-dhacno, dulucda go’aanadii shir-weynahan aayo ka-tashiga beelaha Somaliland ee Burco, ee lagaga dhawaaqay gooni Isku-taaga Qaranimada Somaliland.

Si aynu aad ugu dhadhamino uguna dhuuxno dareenka fog iyo dulucda durugsan ee go’aankan masiiriga ee shirkan lagaga dhawaaqay salka ku hayo, waxa aynu dul-istaagidoonaa isla markaasina ku faahfaahinaynaa guud ahaan qaabkii uu u qabsoomay shirkani iyo dhamaan khudbadii uu madasha ka akhriyey xoghayihii shirkan aayo ka-tashiga ummadda Somaliland Xaaji Aadan Axmed Diiriye, markii uu ku dhawaaqaayey ee uu shirweynaha kasoo jeedinaayey.

Furitaankii shirkan oo uu shir-guudoominaayey Gudoomiye Ku-xigeenkii ururkii SNM, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac isla markaasina ahaa Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland, ayaa isaga oo hadalka kusoo dhawaynaaya, Xoghayihii ama Afhayeenkii shirkan aayo ka-tashiga ummadda Somaliland, Md. Xaaji Aadan Axmed Diiriye, waxa uu hadalka ku bilaabay sidan:

“Bismilaahi Raxmaani Raxiim, shirka u galimayno imika sidii shirarkii hore aynu u gali jirnay, waxaan u gud-bayaa gudidii odayaasha ahayd ee aynu u saarnay inay ka doodaan go’aanada shirka, oo ay isla, afgartaan, ka wadda tashadaan, falanqeeyaan, waxoogaana haasaawaan, dabadeetana ay inoo fududeeyaan oo ay inoo keenan wixii ay isla meel dhigeen. Odayaasha markaynu leenahay, musheekhdu way ku jirtaa, Odayaashu aad iyo aad bay u mahadsan yihiin. Qoddobaddii ay inoo soo diyaar gareeyeen, waxaa halkan ka akhriyi doona Mujaahid Aadan Axmed Diiriye, oo kamida ragii halganka, gaar ahaan xaga abaabulka aad iyo aadka uga shaqeeyey, ku soo dhawow Aadan”

 

Intaa kadib Xaaji Aadan Axmed Diiriye, oo hadalka qaatay ayaa waxa uu isna halkiisa ku bilaabay sidan:

“Bismmilaahi raxmaani raxiim, marka hore dadka sharafta leh, waxa aan usoo gudbinayaa, salaanta islaamku isku salaamo, Asalaama calaykum warax-matulaahi wabarakaatu. Marka labaad, sidaa uu sheegay, Gudoomiyaha shirku, shalayto waxay ahayd maalintii fursada laysku siiyey, inay isa-soo arkaan, oo arinta si ay usoo jilciyaan una soo sheekaystaan, Ergooyinka ka kala yimid beelaha waqooyi degen ee walaalaha ah.

Markaa kulankaa, oo ka dhacay magaaladan burco, oo ay iskugu yimaadeen Salaadiinta, Culimo Aw-diinka, iyo odayaasha waxgaradka ahi, waxa lagaga dooday oo si dheer loogu lafo guray, qodobadi, hor-yimid shirkan ee muhiimka, ahaa ee loo baahnaa. Qodobadaas oo si weyn looga dooday, wixii kasoo baxayna, halkan baan idiinka sheegi doona. Anigoo ku dadaalaya in aanan idinku dheeraynin hadalka, oo ka tix-galinaaya, bacadka la-fadhiyo, waxaan kusoo koobayaa, in aan qodobada uun soo qaato. Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo hadalka sii-wata ayaa waxa uu yidhi

  1. Qodobka koobaad, qodobada la soo qaaday, qodobka koobaad wuxuu ahaa, in woqooyi gaar isku taago iyo in koonfur la-raaco baa laga hadlaayey, oo ajandaha qodobka koowaad ahaa, qodobkaa muddo dheerbaa laga dooday aad baana loo lafa-guray, Waxa laga xisaabtamay, oo dib loo mililicay, 31-kii sano ee aynu dawlada ahayn, wixii faa’iido ahaa ee aynu ka helnay, haddii aynu waqooyiga nahay iyo wixii khasaare ina soo gaadhay-baa si dhaba looga xisaabtamay. Muu ahayn shir caadifadeed, oo si shaqsi ah arimaha loo qaadanayo ama la-iskaga dul cararaayo, mana ahayn shir afduuba oo wax la kala maroor-sanaayo, wuxuu ahaa shir si dimuqraadiyada, oo cid waliba iyada oo xora codkeeda iyo fikraday qabto kasoo jeedinayso, ayuu ahaa. Arintaa markii si dheer looga xisaabtamay waxay noqotay, in 31kii sano waxa faa’iido ah oo la taaban karo, saddex qodob ayaa laga helay, oo iyaga laftoodu ku yimid, dhibaato iyo tacab, hawl badana loo soo maray oo dadka inta xog-ogaalka ahi ogtahay. Waxaana weeyi dekeda Berbera, warshadda sibidhka ee Iyana barbera ka samaysan iyo waddooyinka laamayda ah. Wax kale oo waqooyi laga sameeyey waa la waayey, kuwaasina sida ay ku yimaadeen waa la-wada og yahay.

Waxaynu og-nahay warshadda sibidhku inay mararka qaarkood gaadhay in koonfur laga sameeyo dhagaxana laga gurro halkay immika ka samaysan tahay, illaa xadkaa inay gaadhay-baa la ogyahay oo dadka xog-ogaalkii og-yahay, Wax-faa’iido, ahna intaasa laga soo qaaday. Waxa dhinaca kale ku qormay oo iyana timi, in khasaaraha aynu hada og-nahay, ee uu u weyn yahay, burburka iyo baa’ba haysta ee ka muuqda magaalooyinkeenii, ee naf iyo maalba, baaba’ay ee loo baaba’ay, inay ka yimaadeen is-raacii ay israaceen Koonfur iyo Waqooyi ayaa halkaa kasoo baxay, markaa waxay noqotay marka labadii la isku miisaamay in miisaankii u badan yahay, dhinaca khasaaraha, sida awgeed waxa la isku raacay, oo shirkii isku raacay, bal aragnay is-raacii wuxuu inoo dhalaye, inuu waqooyi gaar isku taago, oo aanu koonfur raacin, oo aynu teena kala barkhad baxno, oo teena tijaabino, oo waqooyi gaar isku taago ayaa la isku raacay, qodobkaa koobaad.

  1. Qodobka labaad, wuxuu ahaa in lagu dhaqmo shareecada islaamka, qoddobkaa isaga ah ruuntii dood badan mayeelan, markii la eegay shuruucda kale, magic kastaba haloo bixiyee bili aadmku sameyo, ee aynu kusoo dhaqmi jirnay. Markii la eegay dhaqan xumadda, iyo dhaqanka ka lumay dadkii, mudadii dheeraa ee uu xukumayey daaquudki dalka laga xoreeyey, uu inagu abuuray, ee aynu gaadhnay heer xaaranta iyo xalaasha aynaan kala garanyn, ee xarantiiba la xalaashaday, markii aynu eegnay, dadkeena oo aqlabiyadiisu imika tahayba, ama xoogiisu yahay, dadkii dhashay mudadaa ama ku caqliyeystayba . Waxa laysla arkay, inaan wax kaloo inasoo dabaali karaaba jirin. Waxa kaloo lays waydiiyey wixii aynu ka dagaalanay muxuu ahaa? Waxay noqotay oo saldhig u noqotay cadaalad darro. Halkaa waxa kasoo baxay baahideena koobaad inay tahay cadaalad darro. Cadaaladu halkay ku jirtaaba markaa lays waydiiyey? Caddaaladu waxay noqotay diinta islaamka. waxa ina wadda dhibtay oo aynu ogsoo-nahay bahal la yidhaa qabyaalad, oo eex iyo imtixaan dabada kuwadata, taana waxa laysla gartay, waxa aynu kaga bixi karnaa inay tahay inagoo ku dhaqana shareecada Islaamka, ee Ilaahay inoogu talo-galay Kownkan markuu ina dhigay isagu, ee uu inagu abuuray, inaynu ku dhaqano, masaalaxeena oo cid ka taqaanaa Ilaahay jirin, oo uu ugu talo galay inaynu taas qaadano ayaa iyadana laysla gartay.

Halkaa waxa soo galaaya, qodob kii hore la xidhiidha, oo waxaynu nidhaahnaa hadaynu gaar isku taagno layna ictiraafi maayo, oo ictiraafka cida laga doonayaa waa Binu Aadam, xagee dabadeetana ictiraafka laga helayaabaa la yidhi markaa. Anagu waxaanu isla garanay oo aanu mudnaanta siinay, cidaynu raali-galinaynaa inay noqoto Ilaahay, Ilaahaybaa quluubta Binu Aadamka xukuma, isaga ayaa cid walba inoo soo khasbi-doona oo inoo fudaydin doona, hadii aynu dariiqiisa raacno oo ku toosnaano, waxaanu ku kalsoon nahay in aynaan wax dhibaato ah la kulmaynin, markaa aan sidaa aamino, aan ku kalsoonaano, aynu u wada diyaar-garowno inaynu fulino, hubaalna waxa ah hadii aynu sidaa ku toosnaano oo cagta saarno, wadadaa ilaahay, in aan wax socdaa oo inaga hor imanayaa jirin, markaa nin walowba dhinacaaga ugu diyaar garaw.

  1. Qodobka saddexad-na wuxuu ahaa in la sugo nabad-galyadda waqooyi, taas waxa weeyi oon muran ku jirin inay baahidda koobaad-ba ay tahay, oo haddii aan nabadgalyo jirin waxyaabaha aynu kasoo haddalnay aanay waxba kajirin, horumar jirimaayo, dawlad jiri-mayso, walaalnimada aynu kuwada fadhinaana jirimayso. Sidaa awgeed, iyadana si wada jirra ayaa lays-kula gartay oo lays kugu waafaqay in nabadgalyada waqooyi laga shaqeeyo, Allana lala kaashaddo, ilaahay haynala qabtee.
  2. Qodobka afraad wuxu ahaa in si dhakhso ah loo dhiso dawlad waqooyi, oo loogu dhawaaqo, taas iyadana waxa keenay, waxa aynu imika kusoo jirnay mudo, sadex bilood iyo dheeraad ah oo aynu xor ahayn oo aynu dalka joognay, dawlad la’aantu dhibaatada ay lee-dahay waynu soo aragnay oo waynu soo wada taabanay, markaa baahida jirta awgeed, ayaa qodobkaasna meesha loo keenay, iyadana waxa la codsanayaa oo xubnaha ururka laga codsanayaa in si dhakhso ah loogu dhawaaqo, dawlad waqooyi, kaasina qodobka afraad weeye.
  3. Qodobka shanaad, waxa weeye in golayaasha ururka iyo dawladaba loogu qaybiyo beelaha waqooyi degan, sidaana diintaa ina faraysa, waxa ina faraysa shareecada islaamka ee aynu qaadanay, walaaltinimadeenaa ina faraysa, wada dhaqankeenaa ina faraaya. Ma wada dhaqnaanayno oo walaalo ahaan mayno, hadaynaan cadaalad ku wada dhaqmin oo aynaan wax ku qaybsan, waxkasta oo aynu qaybsanayno iyo waxkasta oo ina dhex yimaadaa waa inuu cadaalad ku dhisnaadaa weeye, qodobkaasina sidaasuu ku dhanyey.
  4. Qodobka lixaad, waxa weeye, waa mid isaga laftiisu nabadgalyada ka hadlaaya, laakiin si gaara u taabanaaya gobol, iyadoo nabadgalayadii guud ahaan laga soo hadlay oo la go’aan saday, ayaa hadana waxa si gaara loo taabtay, in gobolka Sanaag, nabadgalyadiisa si gaar ah wax looga qabto, oo loo saaro gudi gaar ah, taa waxa keenay, waxa laga waramay, ama cabashooyin badan laga soo jeediyey in gobolka Sanaag ay wali ka jiraan dhibaatooyin, nabadgalyo la’aani, oo ay kaga duwan yihiin, gobolada kale ee dalkeenan waqooyi ka kooban yahay, oo ilaa hada dhibaatadii colaadu ay ka socoto ayaa laga waramay, sidaa awgeed waxa uu shirku markaa isla gartay, in xil gaara halkaa la iska saaro, oo gudi loo saaro, maanta oo aynu halkan iskugu wada nimi oo waqooyi dhan yahay, aynu arinteeda si fiican wax uga qabano oo ka baaraan dagno, oo aynu dadkaa walaaha ah ee isku noolka ah ee meesha wada degan, aynu iyagana nabadgalyada ay inteena kale wada dhadhamisay aynu iyagana qaybtooda ka siino, oo walaalayno, xaqiiqaduna waxa weeye soomaalidu xigtay sheegtaa, xigtadu waxa weeye, inta isku danta ah ee meel wada taala, xigtada xaqiiqada ahi taas weeye, tan aynu sheegano maaha, ee nin mashir yaala iyo nin maqrib yaala oo la leeyahay odaybaa wada dhalay, xigto iskugu sheegtaan maaha, maxay isku yihiin labadaasi, danba ma wadaagaane, xigtada dhabta ahi, waxa weeye kuwa nolosha wadaagaya ee meel wada degan, kuwaas baa loo baahan yahay, inay wax wada qabsadaan, kuwaas baa loo baahan yahay inay walaalnimadooda gartaan, in sidaa loo fahmo baa loo baahan yahay, hada iyo wixii ka danbeeyana, aynu ku dhaqano, waxaynu rajaynaynaa wax wada qabsigeena iyo wax qaybsigeenuba inay noqdaan, iyo isku xidhnaanteenuba, sidaa aynu u kala degan nahay ee aynu u kala degan nahay inay noqdaan, oo in aynu taas fahano ayaa fiican. Markaa waxa anigu shirka qaybta aan anigu kulahaa ay ahayd, in aan qodobadii shirka shalayto uu isku raacay, aan halkan kasoo jeediyo oo aan shir-weynaha sharafta leh aan usoo jeediyo, qodobadiina lixdaa qodobay ku dhan yihiin, aad baanad u mahadsan tihiin, ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu tawfiiq ina siiyo, barwaaqana ina siiyo, cadaalad iyo barwaaqo iyo nabadgalyo degdegana ina siiyo, guushana inoo taam yeelo, Wasalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.” Ayuu kusoo gunaaday Hadalka Xaaji Aadan Axmed Diiriye.

Markii ergada shirkii Burco uu Xaaji Aadan Axmed Diiriye oo ahaa xoghaya shirku u akhriyay go’aamada, shirka madax-dhaqameedka, ayaa waxa ay mujaahidiintu soo jeedisay qodob toddobaad oo ah, in mujaahidiinta SNM la siiyo mudnaanta xaga shaqada, kaas oo laga oggolaaday isna.

Xubnihii saxeexay go’aanka gooni-isu-taagga qaranimada Somaliland, ayaa waxa ay ka koobnaayeen 17 xubnood oo guurti ah, iyo xoghayihii shirkan oo sidaynu soo xusnay ahaa, Xaaji Aadan Axmed Diiriye.  17-kan xubnood ee saxeexay go’aanka ayaa waxa ay kala ahaayeen:-

  1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye
  2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax
  3. Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed
  4. Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir
  5. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi
  6. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye

 

  1. Suldaan Ismaaciil Muuse
  2. Suldaan Rashiid Suldaan Cali
  3. Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud
  4. Axmed Sheekh Saalax
  5. Sheekh Daahir Xaaji Xasan
  6. Axmed Xirsi Cawl
  7. Suldaan Maxamed Jaamac
  8. Xasan Cumar Samatar
  9. Maxamed Warsame Shiil
  10. Garaad C/Qani Garaad Jaamac
  11. Suldaan Cali Muuse iyo Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo ahaa xoghayaha shirkaasi.

Qalinkii Miyir Cali Xuseen

miyircali@gmail.com

COMMENTS
LINKS