Xaq Uguma Lihin Dawlada Djibouti Wax Aynu Inagu Ka Gaabinay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaq Uguma Lihin Dawlada Djibouti Wax Aynu Inagu Ka Gaabinay!
July 1, 2022 - Written by Editor:

Waxaa soo baxay war lagu baahiyey warbaahinta oo la sheegay In ay bixisay kaaliyihii Xoghayaha arimaha dibada u qaabilsanaa Africa Jendai Frazer oo sheegaya in dawlada Djibouti aanay ogoleyn aqoonsi iyo ictiraafka jamhuuriyada Somaliland.

Arinkaasi wax inaga qarsoon ma aheyn , professor Mohamed Said Gees ayaa hore warbaahinta inoogaga sheegay in ay madaxweynaha Djibouti Ismail omer Ghuelle wada fadhiisteen oo uu si niyad ah ugu yidhi ” Anigu odey soomaaliyeed baan ahay la igu sunti maayo intii soomaali hadhsanayd in aan sii kala qoqobo ” laakiin waxii kale ee kastaba waynu iska kaashan karnaa ama wax baan idin kala qaban doonaa.

Maalintaasi waxa ay ahayd xiligii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin dalka ka talinayey , waana maalintii ay xukuumadaasi quus ka soo istaagtay jamhuuriyada Djibouti in ay Somaliland aqoonsan doonto.

Waxa aynu ogeyn halkii ay kala marayeen Madaxwayne Cigaal iyo xaaladii dhex taalay labada dal markii uu Madaxwayne Cigaal geeriyooday oo uu xuduudka Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Djibouti xidhnaa.

Madaxwayne Geelle Madaxwayne uu u hanweynaa waxaa jirey Ahmed Mohamed Siilaanyo oo uu u arkayey ruug cadaa iyo waayo arag ay wax badan iska kaashan karaan , runtiina si weyn ayuu u maamuusay xiligii Axmed Maxamed Siilaanyo ka talinayey jamhuuriyada Somaliland , inkasta oo mararkii ugu dambeeyay la isku seegay in Zeila biyaha looga qaado Djibouti oo mustaqbalka dambe la saadaaliyey biyo yaraan.

Dabcan waxa aad garan kartaa in Axmed Siilaanyo ahaa shaqsi fahamsan ilaa xadka aynu wax wada qabsan karno Jamhuuriyada Djibouti , waliba waxa ay ahayd xiligii xukuumadii Sheekh Shariif lagu soo dhisay Djibouti oo dawlada Djibouti arimaha soomaaliya saameyn weyn ku lahayd.

Isku soo wada xoori xukuumada hada joogta iyo gadhwadeenkeega jooga Muuse Biixi Cabdi iyo Ismail omer Ghuelle waxa ay isku yaqaanaan si Shakhsi ah , waxaana inta ogaalkay ah ka dhexeeyay xidhiidh laakiin markii Madaxwayne Biixi qabsaday kulankii koowaad ee uu Ismail omer Ghuelle la yeeshay waxa uu kala kulmay waji gabax markii uu si badheedh ah u yidhi na aqoonso.

Arinkaasi oo xayndaabka diblomaasiyada iyo wax soo dhiraandhirinta ku ah caqabad iyo mushkilad weyn maadaama aad markiiba miiska keentay arin Haa iyo Maya uun u baahan , laakiin dib ayaa xaaladaha loo qaboojiyey  oo ladqabo siyaasadeed loo galay.

Waxa aan uga socdaa siyaasada iyo danaha aduunku maaha qaar meel taagan oo way is bad-badelaan , Somaliland in la aqoonsado waxa imanaysa xili loo arko in danta Geeska Africa oo dhami ku jirto , waxaana muuqda in ay dhowdahay maadaama istaratijiyada aduunka iyo meelaha la danaynayo ay tahay halka ugu mudan.

Wax badan oo gobolka Geeska Africa ka taagan maantana lagu qancay in aanay waxba ka soo raynayn ee lagu qasban yahay in la helo xal Jamhuuriyada soomaaliyana lagu kala bad-baadiyo Gobolka Geeska Africa na ku badbaado.

Muhiimadu waxa ay tahay in aynaan cidkale ku canaanan wax aynu ka gaabinay ee waa in jamhuuriyada Somaliland dalalka jaararka iyo aduunka kaleba tustaa ahmiyada iyo muhiimada ku jirta aqoonsi uu helo dalka jamhuuriyada Somaliland.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama (M. Dhimbiil)

 

COMMENTS
LINKS