Gabay Baroor Diiq Ah Ee “Anfariir” Geeridii Sheikh Aadansiiro! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabay Baroor Diiq Ah Ee “Anfariir” Geeridii Sheikh Aadansiiro!
July 29, 2022 - Written by Editor:

Allaah Kalidii Mooye ifkaan cidi ku waarayne.

Ambiyadii dhamaantood ka tage oo aduun ayaatiin malehe.

Ajashii dhamaatana cid-baan oolin karahayne.

Awood waxa leh Eebe oo qudha oo waan Ogsoonahaye.

Anfariiray goortaan maqlay geerida sheekh Aadam Maxamuud’e.

Odhan maayo wax aanu ilaahay raali ka ahayne.

Adoon Saalixaa naga baxay iyo Ehelu Tawxiide.

Qof Anfacay dadkiisuu ahaa iyo kii itaal darane.

Agoontiyo wuxuu caawin jiray iyo Looma Ooyaha’e.

Asxaabul Qubuurkana wuxu ahaa qof u adeegaaye.

Allahayow Adoon buu ahaa Fuliyay Amaradaadiiye.

Ehelu Quraan-buu ahaa Aadan Maxamuude.

Aragtidiisu ruux ay fogtahay baa Arlada sii Sagootiyaye.

Allahayow Aduunbaa Jira oo Joogi Abidkaaye.

Abaalkiisa Jannadii kayeel Aadam Ina xaaji.

Allahayow Iga Ajiib Ducada kuu Ergaan ahaye.

Ehelkiyo Qaraabana kasii Samir iyo Iimaan, Aamiin Aamiin Aamiin.

Erayadii Axmed Cumar Caddaani.:

15 Habeen ka hor Caawa oo kale 15-07-2022 Waxa Geeriyooday (Alle Ha Naxariistee Sheekhii weynaa ee Sh. Aadan Xaaji Maxamuud( Sh.Aadan-siira) oo ahaa Adeerkay Marna Saaxiibkay aan 17 Sano u ahaa Xoghaytiisa Gaarka ah ee Arrimaha warbaahinta. sidaas darteed waxa marqudha maskaxdayda ku soo dhacay 7 tixood ama gabay qofba sida uu u yaqaan, in kasta oo 7-daas 3 kamid ah uun aan qoraal ku sameeyay madaama Culayskii, Naxdintii Iyo Saamayntii ay geeridu igu yeelatay aanan waxba idinla wadaagin hadana caawa ayaan 3-dii mid kamida idina wadaagay.

 

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS