Soddon (30) Sanno Kadib Airport-ka Hargaysa Waa Sidan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soddon (30) Sanno Kadib Airport-ka Hargaysa Waa Sidan!
August 6, 2022 - Written by Editor:

Maanta waxaannu safar ugu anba baxnay Hargeysa aniga iyo Aabo, markii aannu ka degnay Eeriboodhka Hargeysa,Maadaamo qaddar masaafo ahi u dhaxayso gegida diyaaraddu fadhido iyo Teerminaalka laga baxo, Aabo waxaa ku adkaaday inuu socod ku gaadho terminaalka xanuun hayey iyo fadhiga uu ku raagey oo xoogaa jidhkii isgalay awgeed.

Intaa ka dib inamo aan u fahmay in ay yihiin shaqaalaha garoonka oo diyaaradda agteeda taagnaa, sitayna Jaakado muujinay in ay hawl wadeenno yihiin ayaan ka codsaday in ay nagu caawiyeel kursiga dadka lagu riixo (WheelChair).

Ka dib waxay igu yidhaahdeen kursiga aad rabto waa la kireeya oo waa lacag, waxaan waydiiyey qiimaha kirada, waxay yiraahdeen waa $15Dollar. Ogow kursiga intaan u baahnahay waa masaafo ka yar 50 talaabo.

Intaa markuu maqlay Aabo ayuu yiri “adeer iska haysta kursigiinna” oo socod istiila bilaabay illaa aannu ka gaadhney terminalka.

Dalkii nin waliba meeshuu jaanis ka helo ayuu lacag ka samaynayaa oo dadka cunaha qabanayaa😰

Allow umaddaada u gargaar

WQ; Maxamed M. Xassan.

 

COMMENTS
LINKS