Dalku Waxa Uu Usan-saan Eeg Yahay Xaaladii 2001 Ee Madaxweyne Cigaal, Mucaaridkii Iyo Salaadiinta Somaliland Badankooga Ka Dhex Taagnayd! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalku Waxa Uu Usan-saan Eeg Yahay Xaaladii 2001 Ee Madaxweyne Cigaal, Mucaaridkii Iyo Salaadiinta Somaliland Badankooga Ka Dhex Taagnayd!
August 9, 2022 - Written by Editor:

(History repeats by it self ) “Taariikhdu Iyadaa Dib Isku Soo Celisa )

Xiligii xukuumadii uu hogaaminayey Madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigaal ayaa magaalada Burco waxa isku urursaday mucaarad xoogan oo madaxweynaha iyo xukuumadiisa ku lidi ahaa oo uu gadhwadeen ka ahaayeen Saleebaan Maxamuud Aaden , Maxamed Kaahin Axmed , Muj Ibrahim Dhegawayne Cabdiraxman Aw cali Faarax iyo rag badan oo haldoorkii Somaliland ahaa.

Bishii Aug 2001 ayaa shir Burco ay ku qabteen salaadiinta dhaqanka jamhuuriyada Somaliland oo sheegay in sameeyeen Golaha dhaqanka isla markaana ay yihiin golaha dalka ugu sareeya oo ay yihiin in iyaga loo noqdo sidoo kale waxaa xiligaasi la isla dhex marayey in ay qaban doonaan shir beeleedkii 1997 cigaal ku soo baxay oo kale .

Xikigaasi wax yar ka hor waxa loo codeeyey dastuurka jamhuuriyada 31-May-2001 oo dalku waxa uu qaatay in dastuur iyo xeerar lagu dhaqmo nidaamka doorashada Somaliland na noqdo habka dimuqaradiyadeed ee xisbiyada badan , xiligaasi waxa loo arkay in uu Madaxweynuhu toshay shaadh isaga leeg oo aan lagula tartami karin habkan cusub.

Si kastaba ha ahaatee la isuma joojin ee sharcigii ayaa la raacay ururadii ayaa lagu dhawaaqay waxaana ugu horeeyey UDUB , UCID , ASAD , SAHAN , HORMOOD , BIRSOL IYO ILEYS oo dhamaantood sheegay in ay yihiin ururo u diyaar ah tartanka doorashooyinka soo socda marka ASAD laga reebo oo ka shaki qabay nidaamka diwaangalinta iyo doorasho Cigaal gacanta ku hayo.

Waxaa haddaba Hargeisa yimid salaadiintii Burco ku shiray oo magaalada Hargeisa isku soo shubay iyaga oo oodahoogii wata , waxaa soo dhaweyntoodii isku khilaafay mucaaridkii iyo xukuumadii waxaana ay salaadiintu dageen Hotel ku yaalla bariga magaalada Hargeisa iyo meelo kale, mudo markii madaxweynaha iyo iyaga la isaga dab qaadayey ayaa xaaladu murugtay dabadeedna xukuumadii ayaa weerartay huteel ay deganayeen oo ilaa 5 suldaan baa la xidhay.

Qayb kale oo salaadiintii ahina isku urursatay gurigii suldaan Barre ee garoonka Hargeisa stadium agtiisa isla markaana ay hub urursadeen ay isku difaacaan markii xukuumadu ciidamo macal tikniko wata dul dhigtay oo xaalada caasimada Hargeisa cirkaasi isku shareertay.

Waxaa hadlay oo la wareystay Boqor Maxamuud Cali Carab oo cambaareeyey dhacdadaasi ahaana hormoodkii golaha suldanada Burco lagaga dhawaaqay waxaana uu sheegay in golahani loo arkay maslaxad markii dalka golihii wakiilada, xukuumadii iyo dadkii kooxo kala wada noqdeen oo ujeedkayagu waxa uu ahaa gurmad iyo in la isku soo ururiyo oo marba qofkii la doorto gacan la siiyo .

Waxaa isaguna hadlay gudoomiyihii golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland Sheekh Ibrahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar oo kaalintiisii guurtinimo ee nabadeed cadeeyey , yidhina salaadiinta iyo xukuumada labaduba yaanay wax dhaq-dhaqaaq ah sameynin xabad dambena yaanay ka dhicin magaalada Hargeisa oo dadkii galay xikigaasi ahaa hawshaa.

Waxaa la sheegay in Madaxweyne Cigaal ku gacan saydhay sheegayna in salaadiintu qaldan yihiin dalkanina dastuur iyo sharci leeyahay hadii aan sharcigaasi lagu dhaqmayna uu is casilayo oo uu meesha isaga tagayo oo aanu kursiga sii joogeyn.

Xiligaasi waxa la abaabulay mudaharaado waaweyn oo xukuumada lagu taageerayo oo ay dawladu dabada ka waday , isaga oo murugaasi jira oo mucaaridkiina badh ku qanceen in ururada isku diwaan galiyaan qolona Burco iska fadhiisatay oo u aragtay in aan ina Cigaal lagula tartami karin dastuur iyo shaadh leeg oo uu toshay ayuu Madaxweyne Cigaal Geeriyooday Alle ha u naxariisto e , markaasaa lagu dhawaaqay urur siyaasadeedkii ugu dambeeyey ee KULMIYE, sidaasi ayaanu ku hirgalay hanaanka dimuqaradiyadeed ee axsaabta iyo ururada siyaasadu oo doorashooyinkii ugu horeeyey lagu galay dhamaadkii 2002.

Maanta waxa ay u san-saan eeg tahay xaaladii Xiligaasi taagnayd oo kale .

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS