Kursi Jacaylka Xukuumada Kulmiye Iyo Ku Dhaganaanta Mucaaridka Doorasho Doonka Ahi, Malaga Yaabaa In Uu Somaliland Dib Ugu Celiyo Marxalado Adag Oo Ay Kasoo Gudubtay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kursi Jacaylka Xukuumada Kulmiye Iyo Ku Dhaganaanta Mucaaridka Doorasho Doonka Ahi, Malaga Yaabaa In Uu Somaliland Dib Ugu Celiyo Marxalado Adag Oo Ay Kasoo Gudubtay?
August 12, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Khilaafka Siyaasadeed Ee Udhexeeya Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Ee Waddani & Ucid Iyo Xukuumada xisbi xaakimka Kulmiye ee Uu Gadhwadeenka ka Yahay Madaxwayne Biixi oo Salka ku haya Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada Somaliland Ee Mudaysan 13/11/2022 ayaa maraya halkii ugu Adkayd ee uu gaadho Abid Somaliland kadib markii Madaxdhaqameed iyo waxgarad isku Xil Qaamay xal uhelida Khilaafkani Uu kusoo dhamaaday natiijo La,aan kaasi oo Madaxwaynaha Somaliland Madax-Dhaqameedka iyo Waxgaradka ka cudur daartay in uu Kalsoonida siiyo halka Xisbiyada mucaaridku ay siiyeen kalsoonida dhinacooga.

Sidoo kale waxaa dhexdhexaadinta khilaafka xukuumada iyo Xisbiyada mucaaridka ah galay gudoomiyayaasha Golaha Guurtida iyo wakiilada Somaliland oo iyagu uu madaxwayne Biixi dalbaday in ay galaan khilaafka udhexeeya mucaaridka iyo Xukuumada kuwaasi oo mudo laba cisho ah goob joog ka ahaa Kulamo uga qabsoomay qasriga madaxtooyada jamhuuriyada Somaliland.

Gudoomiyaha guurtida iyo wakiilada ayaan wax natiijo ah kasoo Saarin khilaafka labada dhinac ee ay dhinac walba dhagaysteen Doodiisa, taasi oo aakhirkii kusoo dhamaatay natiijo la,aan Kadib Markii gudoomiyaha golaha guurtidu Uu hogaanka Xisbiyada Mucaaridka usheegay in aanu waxba uhaynin oo ay Iyagu Tashadaan.

Sidoo kale khilaafka xisbiyada mucaarida iyo xukuumada ayaa Keenay in xisbiyada mucaaridku dalbadaan mudo haraado salmi Iyadoo xukuumadu  u ogolaatay in ay ku qabsadaan goobo Cayiman guud ahaan lixda gobol ee waawayn Ee Dalka iyagoo Asteeyay in ay ku qabsadaan xarumaha ay xisbiyadu ku Leeyahay Gobolada, balse hogaanka xisbiyada mucaaridka ayaa Iyagu dhankooga ka biyo diiday goobaha loo cayimay.

Maalintii shalay ee khamiistii ayaa mudo haraadkii ay xisbiyadu Dalbadeen ka dhacay lixda gobol ee Somaliland iyo qaarkamid Ah Degmooyinka dalka kaasi oo sobobay In ay dhacdaan iska Hor imaadka shacabka banaan baxayay iyo ciidamada maanku Waxaana iska hor imaadadaasi ka dhashay khasaare iskugu jira Dhimashada lix qof iyo dhaawaca shacabka ku dhaw 100qof iyo Sida ay xukuumadu sheegtay dhaawac tiro badan oo ciiidamada Booliska oo tiradoodu gaadhayso 60 Askari, halka la xidh xidhay Dad gaadhaya 100qof oo kamid ah taageerayaashii xisbiyada Mucaaridka ee banaan baxyada dhigayay.

Dhanka kale hogaanka labada xisbi mucaaridka iyo Madaxwaynaha Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa Midba midka kale ku eedeeyay masuuliyada khasaaraha ka Dhashay mudo haraadadan in uu qaadayo halka ay xisbiyada Mucaaridku kusii adkaysteen, in ay Sii wadayaan mudo Haraadada ilaa inta xukuumadu kusoo noqonayso sharciga iyo Qabashada doorashada waa sida ay hadalka u dhigeene.

Madaxwayne biixi ayaa isagu dhankiisa masuuliyada Khasaarahan dusha usaaray xisbiyada mucaaridka isagoo Dhanka kalena  sheegay in aanay xukuumadiisu ogolaan doonin Banaan bax danbe oo ay sameeyaan xisbiyada mucaaridku Islamarkaana ay xukuumad ahaan  qabanayaan doorashada Tartanka ururada siyaasada oo ah qodobka ay kazoo Horjeedaan xisbiyada mucaaridka,kuna doodayaan in ay Doorashada ururada kazoo horayso wakhtigii loo cayimay in ay Dalka ka qabsoonto doorashada madaxtooyada

Hadaba ismarin waaga siyaasadeed ee udhexeeya  xukuumada Uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne biixi iyo xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaan ilaa hada umuuqda mid Aan xal Loo helay, oo dhinac kastaana ku adkaysanayo mawqifkiisa,

Dadka reer Somaliland ee ka faalooda arimaha siyaasada sida Dhowna ula socda, ayaa walaac ka muujiyay xaalka Somaliland Iyo muranka xukuumada iyo mucaaridka oo laga cabsi qabo In Ay Somaliland u horseedaan qalalaase siyaasadeed oo sobobi Kara in dalku ku noqdo marxalado adag oo uu kazoo gudbay Iyagoo dooda aragtidooda sal uga dhigay kala fogaanshaha Aragtiyaha Mawqif Ee udhexeeyay daneenayaasha siyaasada Somaliland oo aanay muuqdan cid wakhti xaadirkan ku hawlan Isku soo dhawayntooda iyo sidii ay ugu soo noqon lahaayeen Miiska wada hadalada.

Isku soo wada Duub oo Abaabulka mucaaridka ee mudo haraado  isku badali kara kacdoonka shacab oo aan is taagin iyo ku adkaysi xukuumada ee mawqifkeeda ah in ay doorashada madaxtooyada kazoo hor mariso doorashada ururada iyo adeegsiga awooda ciidanka amaba kursi jacaylka xukuumada xisbi xaakimka kulmiye Ee Aan Tanaasulka Iyo Tudhaalaha lahayn iyo kurbada kursi doonta xisbiyada mucaaridka ee waddani iyo Ucid Malaga yaabaa in uu Somaliland oo geeska Africa lagu majeerto dimuqraadiyadeeda iyo nabadgalayada ay ku naaloodaan shacabkeedu in ay  ficilada siyaasiyiinta haatan Hogaamiya Somaliland  ay ku celiso marxalado adag oo ay Kasoo gudubtay iyo qalalaase siyaasadeed oo horseedi kara mid Dhaawaca wada jirka shacabka reer Somaliland ee iyagu Hiigsanaya in ay Somaliland mar uu kamid noqoto dalalka Caalamka.

Wallow aan laga rajo dhigin in culimo awdiinta iyo ganacsatada Reer Somaliland isku abaabulaan gurmad ay ka galaan in mar Danbe dad shacab ahi ku dhintaan iska hor imaad iyo banaan Baxyo deganaanshaha dalka khal khal galiya inkasta oo ilaa Hada aanay muuqan, dhaqdhaqaaqyo lagaga hor tagayo Arimaha taagan.

WAJAALENEWS DESKA

FALAADA WAJAALENEWS

HARGEISA SOMALILAND.

ARAGTIDAADU WAA MUHIIM MUWAADIN.

WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS