Madaxweynaha Maxaa Ka Farxiyay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Maxaa Ka Farxiyay?
August 23, 2022 - Written by Editor:

Waxaan arkayay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Oo Alle ha daayee, lugaynaya jidadka Caasimada, iyadoy ka Muuqato Farxad, Nashaad iyo Rayrayn aad u badan.

Alle ha u sii siyaadiyee waxuu Madaxweynahu ku socday Xoog, Xawaare iyo Xawli aanu lahayn nin 70-jir kor u dhaafay.

Farxada iyo diirdiiranaanshaha sidaas u xooga badan waxuu ku yimaadaa guul waynoo qofka ama qaranka usoo hoyata oo dareenka iyo macnawiyaadka kor u qaada.

Hadaba wayga suaale:”Maxaa Madaxweynaha ilaa xadkaa u farxadgaliyay?

Ma guul wayn baa jirtoo aan wali la shaacin?

Sidee bay u dhici kartaa kartaa inuu Madaxwenahu illaa xadka u farxo maalintii ka dambaysay maalintii Wasiirkiisi Saciid Sulub Maxamed ay Dabagaleyaasha Xisbiyada Mucaaridku si xun u weerereen oo u gaysteen Bahdilaad badan, dhowrsanaantii Xubnaha Xukuumadda iyo Magaciii Somalilandna dhulka la jiiday?

Dawladdeenu miyaanay ahayn tii ku xidhi jirtay inan yar ama inan yar Faysbuugaa qofka laga caayay ee ku eedayn jirtay Nabadii bay khatar galisay?

Waa maxay danbiga ka wayn “Mob Justice-ka” lagu sameeyay Wasiir Xukumadda talada haysa ka mid ah?

Maye General Dabagale iyo Kooxihiisii Danbi Baadhista CID du?

Maxuu Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Dalka, Mohamed Kaahin Ahmed uga aamusan yahay bahdilaada loogaystay Jalahiisa Saiciid? Ma waxa lala leeyahay, waa yaabe, Wasiirka tolkiis baa diloo qabiilnimadaa Dawladnimada iyo Wasiirnimada ba ka culus?

Miyaanu madaxweynahu dareensanayn in shiidka wasiirkiisa la shiiday uu hordhac u noqon karo shiidka Madaxweynahiisa, Fowdo baahsan iyo Amni daro dalka Saamaysay?

Waxaa kaloo iyana la yaableh inaanay Madaxweynaha iyo Xukuumadiisu wax hadal ah ka odhan, wax ficil ahna ka gaysan Danbiga iyo Foolxumada intaas la eg.

Akhristow arrintaasu samayn wayn ayay ku leedahay Nabadda, Xasiloonida iyo Dawladnimada, ee si qoto dheer uga fikar. Think well and think deep.

QALINKII; Ahmed M. Adam (Doob-baje)

Toronto, Canada.

COMMENTS
LINKS