Doorashadii Madaxweynuhu Xiligeedii Ku Dhici Mayso Oo Waa La Kordhinayaa, Sadexda Xisbi Cimroodiina Waxa Uu Ku Eeg Yahay 26 dec 2022!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doorashadii Madaxweynuhu Xiligeedii Ku Dhici Mayso Oo Waa La Kordhinayaa, Sadexda Xisbi Cimroodiina Waxa Uu Ku Eeg Yahay 26 dec 2022!!
August 27, 2022 - Written by Editor:

𝗗𝗢𝗢𝗥𝗔𝗦𝗛𝗔𝗗𝗜𝗜 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗪𝗘𝗬𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗫𝗔 𝗞𝗔 𝗛𝗔𝗗𝗛𝗔𝗬 𝟴𝟬 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗠𝗢𝗢𝗗 , 𝗠𝗨𝗗𝗢 𝗫𝗜𝗟𝗘𝗘𝗗𝗞𝗜𝗜 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗪𝗘𝗬𝗡𝗔𝗛𝗔 & 𝗞𝗨𝗫𝗜𝗚𝗘𝗘𝗡𝗞𝗔𝗡𝗔 𝟭𝟭𝟬 𝗠𝗔𝗔𝗟𝗠𝗢𝗢𝗗 𝗢𝗢 𝗞𝗔𝗟𝗜 𝗔𝗛.

(labada xisbi mucaarid sharciyan 26 Dec waxii ka dambeeya iyaguna axsaab ma ahaanayaan sida dalku u socdana doorasho san-saanteed ma muuqato !!! )

Mudo xileedka madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland iyo madaxweyne kuxigeenku waa 5 sanadood oo ka bilaabma maalinta xilka loo dhaariyo sida ku cad qodobka 88naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland qaybtiisa 1aad , waxaa ka hadhay mudada sharciga ah waa 110 maalmood oo kaliya.

Sidoo kale mudo xileedka madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland hadii ay doorashadu qabsoomi waydo kaliya waxa korodhsiimo sheegaya qodobka 83naad qaybtiisa 5naad oo  sababtu tahay in doorashadu u qabsoomi wayday sababo nabadgelyo daro awgeed.

Haddaba hadii aanay dhicin sababaha ku xusan qodobka 83naad faqradiisa 5naad iyo waliba qodobka 86naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland oo ah asbaabta kursiga madaxweynaha iyo kuxigeenku ku banaanaan karo, waxaa jamhuuriyada Somaliland curfi soo ahaa in aan dalku galin xaalad madaxweyne la’aan ( Vacuum) oo madaxweynaha uu badelo uun madaxweyne kale , waxaana qasab noqonaysa korodhsiimo mudo xileed.

Dhinaca kale hadii mudada kooban ee 80 ee ka hadhay doorashada madaxweynaha  lagu soo dhameystiro hay’adii qabanaysay doorashada waxa ugu horeeya ee laga filayaa waa in ay cadeeyaan xiliga ay dalka doorasho ka dhaceyso oo ay madaxweynaha usoo gudbiyaan isla markiiba madaxweynuhuna u gudbiyo golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland oo ah golaha kaliya ee sharci u haysta in uu madaxweynaha & kuxigeenka madaxweynaha mudada xilka u kordhiyo.

Haddaba waxa isweydiin leh madaxweynuhu hadii ay 13 Nov noqoto iyo hadii ay dhamaadka mudo xileedkiisa ee 13 Dec tahayba isaga ayaa sharciyan madaxweyne ahaanaya, waliba ilaa madaxweyne kale la dooranayona kursiga isaga ayaa fadhiyaya ee labada xisbi mucaarid hadii ay 26 Dec gaadho iyaga wakhtigoodii wuu dhamaaday mana jiro dastuur iyo xeer u kordhinayaaye maxay ku talogaleen ?

Isku soo wada ururi ilaa hadda waxa muuqata in xisbiyada mucaaridku ku jiraan khilaafkii iyo murugii hore ee gudiga doorashooyinka 2017 ilaa 2020 oo ay ku hungoobeen doonistoodii iyo kii gudigii ka dambeeyey oo isagana ay sidii madaxweynuhu waday wax u dhaceen, maantana waxa muuqda in madaxweynahana loo kordhinayo iyagana ruqsadii xisbinimo ka dhamaaneyso !!!

QALINKII; Mohamed Abdi Jama (Mohamed Dhimbiil)

 

COMMENTS
LINKS