Kumuu Ahaa, Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir?Qalinkii:Axmed Xuseen Warsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kumuu Ahaa, Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir?Qalinkii:Axmed Xuseen Warsame.
September 2, 2022 - Written by Editor:

“JID MA LA MARTAY, JABAD MA LA DEGTAY, JIDIIN MA LA CUNTAY…”

Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir, ILaahay naxariistiisa badan iyo janooyinkiisa ha ugu deeqe, annagu maanu ahayn saaxiibo kaliya balse waxaanu isku ahayn la-taliyayaal uu midba ka kale kala taliyo qorshayaashiisa nolosha iyo xaaladaha shaqsi ahaaneed ee waqtiga iyo waayuhu hogaaminayeen. Sanado badan ayuu ii ahaa qofka aanu isugu dhawnahay. Mudadaa waxaan ku bartay inuu ahaa shaqsi koobsaday daacadnimo,qalbi wanaag, hawlkarnimo, dadaal , deeqsinimo, naxariis, dun-xariira iyo damiir wanaagsan.

Wuxuu ahaa macalin indheer-garad ah, wuxuu ahaa suxufi cod kar ah, wuxuu ahaa qoraa farshaxan qurxoon, wuxuu ahaa khabiir ku xeel-dheer dhinaca taariikhaha dunida, ta Africa iyo ta dalkeenaba. Wuxuu ahaa macalin hodan ku ahaa luuqadaha siiba luuqada Englishka, Sawaaxiliga iyo kuwo kale.

Wuxu ahaa barnaamij soo-saare Telefishan. Waxaanu labaatan sano ka hor ka wada hawlgalnay Somaliland Space Channel Tv, oo ahaa Tv-ga qudha ee xiligaa Af-soomaali ku warami jiray ama dalkaba ka jiray. Markii uu nagu soo biiray  anigoo markaa ahaa Agaasimka Barnaamijada ee Somaliland Space Channe Tv, oo markii hore la odhan jiray Hargysa Tv, Cabdi- weli wuxu markiiba qaatay barnaamij ka warama taariikhdii iyo waayihii dalkeenu soo maray oo aanu ugu magac darnay (Barnaamijka Taxanaha Taariikhda) oo uu ahaa  weriyihii bilaabay barnaamijkaa.

Marxuumku markiiba barnaamijkii wuxu ka dhigay mid ka mid ah barnaamijyada loogu jecelyahay ee ugu xiisaha badnaa, waxaana barnaamijkaasi kor u qaaday magacii telefishanka iyo kii marxuumkaba.

Qormo kooban kuma so koobi karo haybadii iyo qofnimadii marxuumka. Laakiin ta aanan marna ilaabi karini waxa weeye; inuu ahaa tabaabulsheeye iyo dhiirigaliye daacada ah. Talooyinkii uu ii soo jeediyay ee aan qaatay ee   shaqsiyanka ahaa ee midho dhalka noqday qaarkood noloshayda ilaa maanta waxtar iyo saamayn wayn bay ku leeyihiin. Marxuumkuna sidoo kale marnaba igamuu diidi jirin talooyinkaygii ku wajahnaa geedi socodkiisii nololeed ee   gaar ahaaneed (waxaanan jeclay inaan markale si waafi ah uga hadlo insha Allah)

Ilaahay godka ha u nuuro marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir.

Allaa mahad leh

Qalinkii:- Axmed Xuseen Warsame.

COMMENTS
LINKS