Maxaan Ka Baran Karnaa Doorashada Dalka Kenya!W/Q Mohamed Aden Hassan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaan Ka Baran Karnaa Doorashada Dalka Kenya!W/Q Mohamed Aden Hassan.
September 9, 2022 - Written by Editor:

Kenya waxaa ka qabsoomay doorashoyin isku sidkan 9 kii August sanadkan 2022 , Codbixiyayaashu waxay doorteen madaxweynaha, xubnaha baarlamaanka qaranka iyo senate-ka, guddoomiyeyaasha gobollada Kenya iyo xubnaha 47-ka gole ee Kenya.

Dorashada madaxwaynaha waxa ku tartamayay Raila odinga o ahaa raysal wasarihi hore e dalka 4 jeer o horana soo tartamay iyo ninka ahaa madaxwanye ku xigeenka dalka muddo dhan 10 sano ah oo u xilka la hayay madaxwanaha xilka ka dagayay ee Uhuru Kenyatta.

Ugu dambayn natiijadii doorashada ayaa lagu dhawaqay waxana ku dhawaqay gudomiyaha commission ka doorashoyinka ee wafula chebukati iyada o lakala helay codad dhan saami ahaan , William ruto waxa u helay cod dhan 7, 176,141 o u dhiganta 50.49% halka raila odinga helay cod dhan 6, 942, 930 oo u dhiganta 48.85 , doorashadani waxa ay ahayd doorasho aad iyo aad u adag aadna loo soo ololeeyay isla markaana xaga nitijada aad iyo aad laysugu dhawaa akhirkii wa kuwa uhuru Kenyatta iyo raila odinga ay maxkadama geen jireen documents baabur badan lagu Raray  isla markaana go”aankii maxkamadu noqday in willilam ruto yahay madaxwaynaha Kenya e la doortay doorashadi ay sax ahayd ( Valid election ) isla markaana aysan dhicin wax musuq ah o doorashada la xadhiidha.

Maxaan ka naqana madaxwaynaha cusub e Kenya?

William ruto waa nin aad u da yar waa 55 sano jir yarantisi kusoo baar baray nolol aad iyo aad u adag , yarantiisu waxa u iskuul ka ku dhigan jiray caga cadaan ilaa u gaadhay da”da 15 sano jir oo u xidhay kabo waa sida u isagu sheegay ee,  waxa uu uso yaqaan xayraankii qaranka e garab rarata ahaa kaas o aad u tagereen dadka reer Kenya ee sabool ka ahaa isla markaana ku ololeeyay siyaasad ku dhisan in wax loo qabto bulshada saboolka ah eee aaan haysan waxa ay noloshada ku dabaraan.

Dhalin yaranimadiisi waxa uu iibin jiray looska iyo hilibka digaaga oo u ka ganac san jiray gobolka u kasoo jeedo ee Rift valley , arintani waxa ay cadayn u tahay in ay dhalin yaradu shaqaysato isla markaana wax kasta oo diintena islaam ku ogashahay la qabto e layska daayo fadhiga iyo sheekada si aan barwaaqo sooran u gaadhno.

Waxa u meesha ka saaray o khadka cas dhaafiyay wiilashi wax ku cuni jiray qaadada dahab ka ahayd ee kusoo koray nolosha barwaaqa sooran ka ahayd waa raila odinga iyo uhuru Kenyatta ee kuwaas o abayashood dalka Kenya kaso noqdeen madaxwqayne iyo madaxwayne ku xigeen isla markaana ahaa qoysas taajirina, arintan wax ka baran karnaa in hadii u qofka dadaalo dadaal hagar la’aan ah u gidaar kasta jabinaayo sidaa daradeed wiliam ruto waxu  hoosta ka xariiqay hadal ah caga cadaan ilaa madaxwayne nimo.

Sidaa daradeed doorashada Kenya waxaan ka baran karnaa qodobadan hoose o ay tahay in aan fahano:

Hufnaanta ayaa caawisay.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa si deg deg ah website-kooda dadweynaha ugu soo bandhigay nuqullo la sawiray oo ka mid ah foomamka natiijadii laga soo aruuriyay goobaha cod bixinta iyo doorashada. Tani waxay u ogolaatay musharaxiinta siyaasadda, warbaahinta, falanqeeyayaasha iyo muwaadiniinta xiisaynaya inay naftooda u arkaan xogta, iyo, haddii ay sidaas rabaan, inay sameeyaan tabo u gaar ah. Inkasta oo qaar ka mid ah macluumaadka khaldan ay soo baxeen, tani si dhakhso ah ayaa looga soo horjeestay helitaanka xogta aasaasiga ah, xitaa haddii warbaahinta qaar ay labaduba si xun u diyaargaroobeen in mugga xogta la farsameeyo oo ugu dambeyntii laga qoor  ogeysiisyada ka hor- IEBC. In kasta oo xanaaqa uu ka kacay xarunta qaran ee xog ururinta ee Nairobi, haysashada dukumeentiyada natiijooyinka aasaasiga ah oo si weyn loo heli karo si loo baaro waqtiga dhabta ah waxay caawisay xaddididda, ugu yaraan ilaa xad,  xanta xun iyo aflagaadada doorashada waana arinta ugu way ee ka dhigtay doorashada mid hufan oo heer sare ah in si digital ah loola socda.

Waxaan ka baran karaynaa waa dalka kaliya e qabta hal maalin doorashoyin badan oo isa saran sida doorashada madaxwaynaha Maalinta doorashada , Kenyaanka ayaa sidoo kale u codeeya xubnaha baarlamaanka iyo wakiilada haweenka kowntiga, kuwaas oo ku fadhiya baarlamaanka qaranka, iyo senatarrada aqalka Senetka. Waxay sidoo kale u codayn doonaan gudoomiyaasha gobolada iyo xubnaha golaha deegaanka waa dalka kaliya e qabta hal mar doorashooyin badan oo isa saran isku na sidkan , dalka Somaliland ayaa isna qabtay sanadkii tagay ee 2021 doorashoyin isku sidkan o ah gole deegaan iyo gole baar lamaan.

Hay’addo dowladeed oo macqula oo kalsooni lagu qabo iyo shacab leh aqoon, una badan dabaqada dhexe oo faqrigu ku yaryahay. Kenya aqoon ahaan dadkeedu waa ka horeeyaan dhigooda bariga Africa , dhanka shaqada iyo dakhliga sidoo kale , dalkuna wuxuu leeyahay hay’ado dowli ah is kormeera sida garsoor madax bannaan o lagu wada kalsoon yahay .

Garsoor madax bannaan waa shardiga doorashooyin heshiis lagu yahay: Kenya ilaa 2017 ilaa manta waxaa musharixiinta diideen natiijada doorashada , dalkuna wuxuu khatar u galay dagaal sokeeye , balse waxaa mar walba kala badbaadiyay musharixiita maxkamadda saree e dalka oo ay fadhuyaan rug caddaayo aqoon dheer u leh sharciga , lagu soo xulo tartan furan , si wayna kalsooni loogu qabo, waana midda keentay in la waayo siyaasi ku dhiirada inuu diido go’aanka garsoorka maadaama uu yahay hay’ad lagu kalsoonyahay , shacab waynuhuna go’aankooda aqabalayaan.

Doorasho dad badan ay diwaan gashanayeen oo kor u dhafaya 22 milyan oo qof waxaana ay goobaha codayntu ahaayeen 46 kun o gobood ayay sare u dhafayeen walow ay codeeyen dad ka yar inta diwaan gashan o ahayd doorashadi ugu yarayd e abid Kenya loo soo baxo haddana halkan waxaan kala baxaynaa casharka ah in baaxada codka intaas leeg iyo gobahaas aad ka u tirade badan in ay maamuleen guddi doorasho ( Commission election ) daacada oo si xor ah u kala hufay doorashoyinkaas isku sidkaana e isa saarna e aad ka u badan heer hoose ilaa heer madaxwayne.

Waxaa ka dhacday dalka Kenya doorasho Digital ah (Digital technology) oo codka ay hagayso technology taas oo si toos ah warbahintu u qaadan karto isla wakhtiga la hubiyay ba si dad waynaha looga soo bandhigo websites ka , Blogs ka iyo Tv yadaba si online ah waa daah furnaan wayn o aad u balaadhan.

Waxaa  kale oo jirta in doorashadu wakhtigeda ku dhacdo isla maalinta la cayimay , madaxwayanaha xilka jooga muda xileedkisa uun buu si toos ah u dhamaystaa mana jirto wax mudo kordhina haba yaraate hal saac.

Ciidamada amniga , wasarada arimaha gudaha iyo commision ka doorashoyinka qaranku way ka madax banan yihiin xukumadda markaas jirta o waxa u shaqenayaan si national level ah maalinta doorashada halkaasna cashar aad iyo aad u wayn ayaa ku jira.

Xisbiyo badan oo is wada garab saday oo iibinayay fikrado walow Kenya ay caqabad wayn ku tahay qabiilka iyo qoomiyadaha hadana fikrad ayaa la iibiya e si toos qoomiyadaha  loogama ololeeyo.

Waxa tartamay laba is bahaysi o kala ah KENYA KWANZA iyo AZIMIO iyo labo nin oo kale aan aad u awood badnayn waxaan ka baran karnaa waa is bahaysiyo furan o aan xad lahayn.

Ugu dambayniit waxaan soo taxliilinay cashar lama ilaawan ah taas o ay tahay in aan dunida darasno o wax ka barano isla markaana aan la jaan qaadno si aan u noqono ummad soo jeeda o dunida la sacoto , ugu dambayntii waxaynaan ilaawi doonin wax yabaha ay doorashada Kenya ku xuntahay marka aan dunida kale barbar dhigno.

ILAAHAY AYAA MAHAD LEH.

Mohamed Aden Hassan

Contact: moadam203@gmail.com

COMMENTS
LINKS