Xeeladaha Siyaasadeed Ee Hogaanka Kulmiye Maaha Qaar Sahlan…!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xeeladaha Siyaasadeed Ee Hogaanka Kulmiye Maaha Qaar Sahlan…!!!
September 12, 2022 - Written by Editor:

Laga soo bilaabo sanadkii 2018 kii gobolada bariga xisbiga Kulmiye lagama taageersanayn gaar ahaan Togdheer, waxaana Keenay sababahan ;

1-Xulafadii xisbiga talada haya bah-wadaagta kula ahayd oo Aanu u cuntamin cadkii uu ka siiyey madaxweyne biixi xukuumadiisa iyo filashadii oo is yeelan waayey.

2-Cadaadis iyo culeys uu saaray ganacsato iyo siyaasiyiintii ka soo jeeday deeganadaasi ee talada sidii uu Iman lahaa kula guntaday.

3-Hogaankii xisbiga kulmiye oo la filayey in uu ku wareejiyo xiligii siilaanyo ku wareejiyey oo kale oo isagana oo meel adag ku jaxaastay.

Waxaa soo raaca

4-Deeganadii uu la loolamay doorashadii 2017 oo iyaguna mucaaradad adag oo ilaa jabhad iyo shir beeleedyo xukuumada lagaga tashanayo kala hor yimid.

Afartaasi qodob ayaa waxa natiijadoodii si wanaagsan ay usoo muuqatay markii la galay tartankii doorashooyinkii isku sidkanaa ee 31 May 2021 oo xisbiga kulmiye lagaga adkaaday taariikhda deegaanadii uu cududa kulahaa .

MAXAA IS BADELAY HADDABA ?

Waxaa fursad weyn oo wiiqday cududii mucaaradka u noqotay tartankii furista ururada siyaasada oo dadkii iyo deegaanadii ku mideysnaa mucaaradku u kala jajabeen shan iyo tobanka ( 15 urur ) siyaasadeed,  arinkaasi oo dhaawac iyo waxyeelo ku noqday axsaabta mucaaridka ah , sidoo kale deeganadii talada ku mideysnaa midwaliba tashuush iyo furfur siyaasadeed ku abuuray.

Arimahani waxa ay sahli karaan in xisbiga Kulmiye mar sadexaad hogaaminta qaranka ku soo laabto marka aad eegto sida wax u socdaan iyo jarayaasha siyaasadeed ee u taagan oo ilaa maanta aanay cadeyn cida xisbiga ka sharaxan iyo gudoomiyuhu qofka uu noqon doono.

Isku soo wada xoori siyaasadu waa tabo iyo xeelado la isku beeg-beego si loogu kala guuleysto, maanta dad badan uma muuqdaan waxa aan ka hadlayaa laakiin waxa suuragal ah in aynu dhowaan wada arki doono sidii wax badan oo aan hore idiin kula wadaagay intooda badani u dhacday sidii aynu u falanqaynay.

Qalinkii;Mohamed Abdi Jama (M. Dhimbiil)

COMMENTS
LINKS