Wasiir CALI MAREEXAAN Oo  Shaqada Ka Joojiyay Shaqaale U Badan Beesha Cabdiraxmaan Ciro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir CALI MAREEXAAN Oo  Shaqada Ka Joojiyay Shaqaale U Badan Beesha Cabdiraxmaan Ciro.
September 14, 2022 - Written by Wariye:

Wasiir Cali Mareexaan ayaa shaqada ka joojiyay 12 xubnood oo kamid ah shaqaalaha wasaradiisa oo markaana isku hayb yihiin Cabdiraxmaan Ciro, isaga oo ku amray agaasimaha waaxda shaqaalaha inay shaqada ka joojiso xubnahaasi isla markaana aan u cuskan wax-xeer iyo sharci ah oo shaqada lagaga joojiyo.

Taniyo markii Wasiir Cali Xasan (Cali Mareexaan) loo magacaabay jagada wasiirnimo ee Wasaarada Biyaha Somaliland ayaa waxa uu bilaabay sidii uu u ugaadhsan lahaa xunaha wasaradiiska ka hawlgala ee beesha murashax Cabdiraxmaan Ciro, sidoo kalena hor istaagay mashariicaha biyaha ee deegaanada go,da wayn , Mashruuca biyo balaadhinta Ceerigaabo iyo mashruuc biyo oo laga hirgalinayay deegaanka Sabo-wanaag , waxanu xilkii ka qaaday meereeyihii wakaalada burco oo uu ku badashay nin ay isku hayb yihiin.

Wasiirka oo shidhka ugu jira safarka madaxwaynaha uu ku marayo gobolada dalka ayaan la garan karin in madaxwaynuhu la logyahay talaabooyinka guracan ee uu ka dhax-wado wasaradiisa.

 

Hargeisa Somalilad

Wajaale News Office

COMMENTS
LINKS