WAJAALE NEWS

Caruur Daad Qaaday Oo Lagu Soo Badbaadiyay Magaalada Hargaysa.

Hargeysa(W,N)- Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa galabta Shan caruur ah oo yar yar ka reebay Laagta hor marta taliska guud ee ciidanka.

Ciidanka ayaa caruurtaas dhamaantood ka soo samatabixiyay kana soo reebay daadka oo ahaa mid xoogan.

Ciidamada ayaa intaa kadib caruurtaa gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale bulshada goobtaa ku sugnayd ayaa kaalin ka geystay samatabixinta.

Exit mobile version