Madaxwaynaha Jsl Oo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Umagacaabay Naasir Caydiid. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Umagacaabay Naasir Caydiid.
September 24, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha ayaa maanta wareegto kazoo baxday xafiiskiisa wasiir kuxigeenka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka ugu magacaabay naasir ay caydiid ooh ore isaga casilay wasiir kuxigeenka wasaarada arimaha gudaha.

HALKAN KAGA BOGO WAREEGTADA MADAXWAYNAHA JSL;

WAREEGTO MADAXWEYNE: 24 /09/2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland. (Beddel) hore u ahaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dawladdaha Hoose.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:          Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:    La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Naasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS
LINKS