“Muddada Komishanku Qabtay Waxa Heshiis Ku Ah Dhamaan Saamilayda, Doorashada Madaxtooyada,In kasta Oo Madaxwayne Muuse Aan La Saadaalin Karin”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Muddada Komishanku Qabtay Waxa Heshiis Ku Ah Dhamaan Saamilayda, Doorashada Madaxtooyada,In kasta Oo Madaxwayne Muuse Aan La Saadaalin Karin”Cali Guray.
September 24, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa ka dareen celiyay dhawaaqa doorashada madaxtooyada ee kazoo yeedhay komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland isagoo sheegay in ay heshiish ku yihiin dhamaan daneeyayaasha doorashada kaasi oo uu sheegay in uu noqon karo mid lagaga baxo khilaafka doorashada ee dalka ka taagan. Isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi;

“Muddada Komishanku Qabtay Waxa Heshiis ku ah Dhamaan Saamilayda (stakeholders) Doorashada Madaxtooyada. 1da bisha October Komishanku toos ayay hawlihii doorashada u dhaqaajin doonaan hadii Allah yidhaa, In kasta oo madaxwayne Muuse aan la saadaalin karin. Komishanku ilaa hadda ma hayo sharci uu ku qaban karo doorashada xisbiyada/ururada balse waxa la Naawilayaa In Mooshinka wax ka bedelka labada xeer 14 iyo xeer 91 ee hadda guurtida horyaala ay ka gudbi doonaan Golaha Guurtida madaxwaynuhuna saxeexa ku duugi doono. Xeer 91 wuxu Komishanka ku waajibinayaa in ay qabtaan doorashada xisbiyada/ururada iyagoo xeer lam 14 20XX, taas oo markii hore aan ugu jirin waajibaadkooda.

Sidaa daraadeed ilaa hadda sida ay wax u socdaan ma xuma gaar ahaan labada talaabo ee Golaha Wakiilada iyo Komishanku ay qaadeen ayaa ah kuwo ay u qaadeen dhinacii saxa ah. Hadii Golaha Guurtida iyo Madaxwaynuhu iyaguna la jaanqaadaan khilaafkii siyaasaddu markaa wuu dhamaanayaa

 

COMMENTS
LINKS