WAJAALE NEWS

Ciidanka Booliska Somaliland Oo Digniin Xili Roobaadka Ku Saabsan Udiray Shacabka Iyo Wadayaasha Gaadiidka!

WARGELIN :

Sidaa la socotaan waxa lagu jiraa xilli roobaad , Haddaba Waxaanu ku wargelinaynaa dhammaan shacabweynaha Somaliland ,  ina ay ka fogaadaan goobaha Dooxyada , Laagaha , Biraha laydhka  iyo guud ahaan meelaha  Biyo-mareenada ah. Sidoo kale waxaannu  faraynaa wadayaasha Gaaddiidka ina ay taxadar badan muujiyaan , qataanna awaamiirta Ciidanka Nabadgalyadu Waddooyinka ee (Traffic) .

Ciidanka Boolisku waxa uu u taaganyahay ilaalinta Diinta , Nabadda , Maalka iyo Nafta muwaadiniinta JSL.

Ciidanka Booliska JSL.

Mahadsanid dhammaantiin

Exit mobile version