Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee JSL Oo Dhaariyay Xubin Buuxinaysa Jago Ka Bannaanaatay Golaha Guurtida. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee JSL Oo Dhaariyay Xubin Buuxinaysa Jago Ka Bannaanaatay Golaha Guurtida.
September 27, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 26/09/2022, dhaariyay Cumar Mukhtaar Ciise Faarax, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu banneeyay Alle ha u naxariistee marxuum Mukhtaar Ciise Faarax, taasi oo Golaha Guurtidu ay Maxkamadda Sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, mudane Cumar Mukhtaar Ciise Faarax, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.

ALLAA MAHAD LEH

COMMENTS
LINKS