“Muggii Weel Ma Dhaafee, Allow Mooska Yaan Jebinin”Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Muggii Weel Ma Dhaafee, Allow Mooska Yaan Jebinin”Cali Guray
September 27, 2022 - Written by Editor:

Gudoomiyaha Guurtidu qoraalkiisu daliil sharci ma laha balse jawaabta Gudoomiyuhu wuxu u cuskaday qodobo sharci oo dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Guurtida uu ka soo qaatay. Dabcan waxa la raacayaa sharciga waana in loo wada hogaansanaado. Xubnaha Wakiilada ee dacwadda u gudbiyay Saleebaan way la ambadeen decwadooda waayo guurtidu garsoor maaha ee waa xeerdejin. Haydda Garsoorka iyo Haya’dda Xeerdejintuna waa laba haya’dood oo kala madaxbanaan. Waxa nasiib darro In rag iyagu xildhibaano ahi ay iskaga qaldan yihiin labada haya’dood ee dastuurku kala madax baneeyay.

Gudoomiyaha Guurtida uma furna waddo kale oo aan ahayn in golihiisa uu hordhigo labada mooshin ee Golaha Wakiiladu sifaha sharciga ah ugu gudbiyeen. Hadii ay sidiisa ku gudbinayaan iyo hadii ay wax ka bedel ku samaynayaan kuna celinayaan Wakiilada iyaga ayaa go’aanka iska leh.

Kuwa dacwoonaya saw kuwii bilawgiiba Maxkamadda Sare u dacwooday laftoodii uun maaha. Tii hore wixii ka raacay way xasuusan yihiin. Ha u dacwoodaan hadii ay doonaan. Marka wax si ka noqdaan ee la soo canaanto ilaa ay gidaar madaxa ku soo dhuftaan looma taag helo. Ku lahaa sidii ay markii horeba lahaayeen Cabdirazaaq baanu mooshin xil ka xayuubin ah golaha keenaynaa. Cabdirazaaq in xilkiisa uu si hagar la’aan ah u guto ku mudan maayo eh kuwa ku fashilay xilgudashadoodii ay mudan xil ka xayuubin. Cabdirazaaq sharaf iyo wanaag iyo amaan buu mudan yahay. Kuwa leh xil baanu ka qaadaynaa waxan odhan lahaa marna taagtiin marna tamartiin. Waxba ha ula hadhina

Somaliland horta maanta waa loo yaabaa. Waxay ku faani jirtay duniduna ku majiiran jirtay laba arin oo kala nabadgeyada iyo doorashooyin toos ah oo xor iyo xalaal ah. Muwaadiniinta daacadda ah xog ogaalkana ahi way og yihiin in maanta ay labadiiba halis u yihiin in gacmaheenna aynu ku burburino.

QALINKII; CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GUREY”

HALGANWATCH

COMMENTS
LINKS