Duulaanka Ruushka Ee Ukraine, Maxaa Caqabado Ah Maxaase Xal Ah? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duulaanka Ruushka Ee Ukraine, Maxaa Caqabado Ah Maxaase Xal Ah?
December 7, 2022 - Written by Editor:

Ruushka o ah Quwad super power ah ayaa duulaan cir iyo dhul ah ku qaaday hirtii waaberi 24 February 2022 maalin khamiis ah dalka ay xuduudka ay wadagaan isla markaana ah dalka ugu baladhaan qaarada gabow day ee Europe balse aan ka tirsanayn midowga reer Europe kaas o badkiisu yahay 603,500 km².

Ukraine o ah dal isku filnaansho ka gaadhay dhinaca cuntada iyo sugnaanteda o ah dal aad dhinacaas ugu tabcay gaar ahaan qamandiga iyo waxkasta oo soo raaca isla markaana lahaa dhul waxsoo saar oo wayn kaas o dunida in badan quudin jiray isla markaana lahaa han ah in u mar uun ku biro midow ga reer Europe ayaa mar kaliya madaxwaynaha ruushka Vladimir putin ka dhigay dal jira balse dhibaato aad u adag ka tagan tahay dhibatadaas oo ah barakac iyo dhimasho ,  bur burka kabayasha dhaqaale iyo dalkii oo dhinac walba baa”bay oo aan wax sidaaas ah la noolayn isla markaana u wali dagaal aad u baaxad wayn ka sacdo.

Hadda ka hor ruushka ayaa isna la wareegay Crimea sanadkii 2014 o ah dhacda hore u dhacday isla markaana waxa u hoos keenay dalkiisa taas o ruushka u keentay cuna qabatayno u markii dambe kasoo kabtay isla markaana waxa laga saaray ururka G7 e warshadaha ku horumaray taas u xubin ka ahaa o laysku odhan jiray G8.

Ruushku isaga o qacidadaas raacaya ayu bariga Ukraine u marayaa amaba dhulka inta ugu badan in u sidaas u qabsado.

Dagaalku muxuu salka ku hayaa?

Ukraine xukumada hadda joogta waxa ay u jan jedhaa dhinaca galbeedka o ah midowga reer Europe  iyo united states  sidaa daradeed waxa ugu wayn e ahaa in u fuliya waxa u ahaa In midowga Europe ku biirto taas o madaxwaynaha ruushka aad uga soo hor jeeday maadama ay saamayn amni keenayso sido kale waxaan meesha ka maqnayn in ururka gashaan buurta NATO ay meesha gacmaha kula jirto oo ay rabaan in ay ka sameeyaan xad ruushka ku teedsan kaas o marka la doono ruushka laga weerari karo isla markaana xoog iyo caga juglayn ku ah maadama ay labada dal xuduud aad u dheer wadagaan waana sababta dagaalku u bilaab may waana arin in mudo ah soo taxnayd ilaa dagaalki qaboowaa sida daraded ruushka ayaa mar walba dusha ka ilaalin jiray Ukraine oo waxa u soo dhisi jiray xukumado maqaar saar ah o isaga ka amar qaata.

Muxu dhibaato dagaalku u geestay hanaanka dunida?

Dagaalka ruushka iyo Ukraine waxa u saamayn dunida ku keenay qodobadan hoose ee soo socda:

1; Dhaqaale bur bur iyo sixir barar aad u wayn.

2; Noloshii oo adkatay gaar ahaan qaarada madow e Africa.

3; Tamartii dunida o cirka isku shareertay.

4; Dalagii cuntida oo gabaabsi noqday.

5; Cimilada dunida o u dagaalku samayn ku yeeshay.

6; Dalal badan oo si toos ah samayn ugu yeeshay sida dalalka geeska Africa , Asia da faqiirka ah o xukumado badan ayaa dhulka lala jaray markii ay nolosha dadka maaren waayen sida xukumadi sri lanka.

7.Barakac baladhan iyo dad qul qulaya o Europe ta galbeed ku hab saday.

8.Dheela tiran xoogan o ku yimi quwadihi caalimiga ahaa o dunida hadda laba quwadood ayaa ka jiraya waa reer galbeed iyo reer bari o ah china iyo Russia.

9.Dhaqdhaqaaqa dadka iyo alaabta xuduudka isaga gooshaysay ayaa iyana istaagay.

10.Dunida o si u kala shakiday

Ruushka muxuu ka faa”iday dagaalka?

Ruushku wax sidaas u wayn dagaalka kama faa’idin sababtoo ah intan o dhibato ayaa haysata isaga qudhiisa taas oo u dagaalku sababay:

1;Sixir barar  hore u jiray oo laba jibaar may isla malinkii u dagaalka ku qaaday Ukraine.

2; Dadka ruushka o kacay isla markaana aan u arkayn xal in dagaal dalka la galiyo wakhtigan oo u dalku wajahayay kaso kabashadii corona virus

3; Nitiijadii dagaalka ka filaayay o dhinac kale isu rogtay taas o qorshuhu ahaa in wakti yar lagu soo gaba gabeeyo dagaalka balse hada waaba 10 bilood ku dhawaad dagaalku.

4; Cuna qabatayno hor leh o reer galbeedku saareen ruushka ayaa iyana timi o u badan dhinaca maaliyadda iyo banks ka , duulimadada iyo sahayda iyo isu socodka ganacsiga iyo go”doomin hor leh o la saaray.

5; Ruushku waxa u si toos ah ugu dhacay dabin u maraynkanku dhigay kaas o ah in awooda ruushka la wiiqo ka hor inta aanu tartan la galin dhinac walba isla markaana lakala fogeeyo isaga iyo chinaha walow ay aad iyo aad isagu soo dhawadeen chinaha iyo ruushka inta dagaalku socday diplomacy ahaan in kastoo aanu madaxwaynaha chinaha XI Jiping aanu la dhacsanayn dagaalka ruushka e Ukraine ka socda.

Reer galbeedku maxaa khasaare gaadhay iyana?

Ruushku waxa u sameeyay siyaasado iyo jaran jarooyin cuna qabatayno dhaqaale o kala ah:

1;Waxa u gaaska u reer galbeedka siin jiray ka dhigay hub u dagaalka u isticmaalo waxa u xanibay dhuumihi gaaska qaadi jiray waxuuna qaali ka dhigay isla gaasta,  dhuumaha gaasta qaada waxa lakala yidhahdaa nord stream 1 iyo nord stream 2.

2; Waxa u Europe ku celiyay waagi hore e tamar waaga iyo nolol xumada maadama ay galbeedku aad ugu tiir san yihiin gaaska ruushka.

3;Dhaqaale xumaan baah san iyo shirkadihi reer Europe o musalafay kuwaas o sameenaya shaqaale dhimis aan wali hore loo arag.

Bariga Africa muxuu dagaal ku saamayn ku yeeshay?

Dhibaatooyinka caalamiga ah ee dagaalka ayaa saameyn xun ku yeeshay dalal horay u wajahay colaado iyo dhibaatooyin iyo isbadalka cimilada.

Bariga Afrika ayaa waxaa soo food saartay macluul daran, iyadoo abaar daran ay ku dhufatay gobolka iyadoo ay barbar socoto hakad ku yimid saadka cunnada ee uu sababay dagaalka Ukraine. In ka badan 14 milyan oo qof oo ku kala nool Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa durba qarka u saaran inay macaluul u dhintaan—ilaa kala bar waa carruur. Tiradaasi waxay gaari kartaa 20 milyan haddii dunidu ay ku guuldareysato inay tallaabo degdeg ah ka qaado joojinta dagaalkaas iyo in dunida sideedi lagu soo dabaalo dhinaca cunada iyo isu socodka.

Maaddaama Afrika ay si weyn ugu tiirsan tahay soo dejinta dalagyada cuntada iyo saliidda ee dhinacyada dagaallamaya, dagaalka Russia-Ukraine wuxuu keenay qiimo dalac aad u daran oo carqalad ku ah silsiladaha sahayda ee badeecadaha kala duwan ee Afrika oo dhan, oo u dhexeeya  kuwaas o ay ka mid yihiin sarreen iyo saliid ilaa saliidda cayriin.

Gaba gabadii dagaalkan oo aad u adag waxa u dunida dhaxal siiyay caqabado hor leh o 5 ta sano e soo socota laga soo kabsan doonin sidaa daradeed ka soomali ahaan waa in aan xooga saarnaa wax tabcashada iyo in bayrano dalag kasta sido kale waa in aan la soo baxnaa shidaal keena isla markaana aynu yareena waxyabaha aan debada kasoo dhoofsano ee ay lacagta iyo wakhtigu inagaga baxayaan waa haddii aan sidan aan hadda ku jirno ka baxna ee.

Waad mahadsantihiin.

Contact:

Email : moadam203@gmail.com

Twitter: https://twitter.com/PoliticianAdam

W/Q; MOHAMED ADEN HASSAN

*ILAAHAY AYAA MAHAD LEH*

COMMENTS
LINKS