GABAYGA: DERIS BARI (REER SOOL) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GABAYGA: DERIS BARI (REER SOOL)
January 26, 2023 - Written by Editor:

Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa Deris Bari waxaanu ku socdaa Reer Sool ama Beesha Dhulbahante. Gabaygu wuxuu ka koobanyahay 72 beyd waxaanu soo baxay muddo kadib markii la aasaasay Jamhuuriyadda Somaliland ee 1991. Beesha Sool oo wax ka aasaastay Somaliland ayaa haddana qaybweyn oo ka mid ah waxay ka qaybgashay aasaaaskii Maamulka Puntland ee la qabtay 1998 qabyaalad awgeed si ay u mijaxaabiso qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland uguna wacad-furto qaybtii ay ka qaadatay aasaaskii Somaliland iyo la soo noqoshada gobanimadii June 26, 1960. Gabaygu wuxuu Beesha Sool ku eedaynaya cadaawad, wacad-fur, qabyaalad iyo dibindaabyo muddo dheer soo taxnaa oo ay ku hayso Somaliland iyada oo ku ximinaysa kuna xumaynaysa Beelaha Dhexe ay la wadaatgo: Taariikh, dal, xuduud, dhaqan iyo dawladnimo, waxaanu u sheegayaa in dantu ku jirto in si wadajir ah loogu midoobo dawladnimada, danta guud iyo wax-wada-qabsiga si horumar loo gaadho. Gabayga oo ah taariikh iyo waano waxa uu ugu dambaynta uga digayaa Beesha Sool nabsi-xumo aan la mahadin oo uga timaada dhibka iyo wacad-furka ay ku hayso dalkeeda iyo dadkeeda.

GABAYGA: DERIS BARI

Beelo derisa dad sokeeye oo, dano wadaagaaya

Oo tuhun ku kala deyranyo, dibin-salaan dhiiba

Dar Ilaahay baa loo galaa, xaajadood darane

Marki guurti loo dumay xujada, damal hadhweyn geedka

Oo muducigu doodiisa furay, deelka ka higaadshay

Dadow maqal dulmiga Deriska Bari, daya xumaantiisa

*********

Dal nimaad wadaagtaan taniyo, maalinta la duubi

Sooliyo Sanaag wada degtaan, duurka iyo hawdka

Darka ceelka nimaydaan is-hurin, daaqna wada goosta

Abtinimo ninkaa loo darbane, duuda ehelkaaga

Xididnimo nin dadab loo xidhxidho, dhaqanku waa doore

Oo haddana dareen qaba muxuu, dooni damiciisa?

*********

Sayidkii ninki daba dikriyay, daacad u adeegay

Beelaha wadaad dool ku yimid, dhaaxo ugu duulay

Oo durbaanka dhiillada ku tumay, deris ninkuu haystay

Damaacigu ninku aakhirkiis, dooxay ehelkiisa

Hambadiisa aan daafacee, duunyana u loogay

Xusuustiisu daranaa muxuu, dooni damiciisa?

Dalka gobolka lagu dhaato`e, Shiikha lagu duugay

Sanaag Bari nin dacalkeeda dega, dooda wada sheegta

Daandaansi door moodayo, damacu u qaaday

Dulmi uun nin taageerayoo, seegan danihiisa

Oo Isaaq dhibkiisuun dawara, doona xumihiisa

Oo degmada dagaal hurin muxuu, dooni damiciisa?

*********

Samanki Siyaad laga didee, oo dadba hub qaatay

Dulmigu ku maamulay arlada, dabargo`uu doonay

Islaamnimo ninkaan ila damqane, derisna aan xeerin

Oo ciidan igu soo dumee, daw kasta igaaday

Doc ka weerarkii igu dilee, dakharna ii geystay

Ugu deeqay nabadweyn muxuu, dooni damiciisa?

*********

Taliskii markii uu dumee, oo dad kala guuray

Oo Kismayo Daarood u qaxay, doonta kala boobay

Kiiniya xeryaha loo dadbee, duumo ku haleeshay

Adigoo darxumadii qaboo, dakharku uu muuqdo

Ogaadeenka Gaarisa degaa, kuuma diir-nixine

Damqashada anaa roon muxuu, dooni damiciisa?

*********

Ina Yuusufkaa Mudug degee, duufshay gobolkiisa

Dawladnimada sheegtee dadkuba, yaabay damiciisa

Oo dalkuu degaankiisu yahay, diidan taladiisa

Qaarba difaacoo u raran, doonyana u meera

Jundi baaska weligoodba diran, waad ku durugteene

Doolaalo waa damac muxuu, dooni damiciisa?

*********

Hadaad tebeyso Daarood dal kale, wehelna aad dooni

Warsangeliba waynala degaa, waana deriskaaye

Kala sooca daa oo midnimo, geli damiirkaaga

Qabyaaladi horay noo dishoo, diiftu nagu taalle

Magane dib yaan loogu noqon, dumiso weyaane

Danta guud haddaan rabo muxuu, dooni damiciisa?

*********

Israacii ninkaa ila degee, daadku ila qaaday

Gobonimo la duudsiyay ninkaan, wada dabayl raacnay

Oo midnimada duminteed ogaa, duulki kala gooyay

Oo haddana markale dawladnimo, dooni inuu loogo

Xin Dhulbahante ila doonayaa, diirsataa Xamare

Dawlad gaara ila lihi muxuu, dooni damiciisa?

*********

Dunidan la soo koobayee, Maars lagu duulay

Dayaxyada samada loo diree, wararka duubaaya

Oo wadajir lagu doogsadee, lagu dakaynaayo

Daa`iro ninkaa ila rabee, dabinka uun qoola

Dibindaabi Somaliland, dawlad kale sheegta

Midnimaa na doojine muxuu, dooni damiciisa?

*********

Dal barwaaqo khayraad badeed, dalagyo beereedka

Dekadaha u furan ganacsigiyo, duunyo laga dhoofsho

Macdan dihin shidaal noocyo badan, daafta wada jooga

Wanaagaa ninkaa laga dedee, ee dal kale doona

Oo daawadii igu furee, weli dantii moogan

Qawad daran hadduu qabo muxuu, dooni damiciisa?

*********

Samihiis nimaan doonayaa, tayda duminaaya

Nabsi daahay duul waa helaa, oo duleed imane

Goortu derbiga soo jabsado, waa dubbe Ilaahe

Mar haddaan ka digay oo nabsiga, daahir ugu sheegay

Oo duqiyo culimiyo waxgarad, wada dareensiiyay

Doorashada xumaan iyo samaan, Eebbow deriskaa leh

*********************

Dhammaad

Gabayga Waxaa Curiyay: Ibrahim Hassan Gagale

Taariikhda Gabayga: 2000

COMMENTS
LINKS