Siyaasi Axmed Muumin Seed Oo Magaalada Jig Jiga Kula Kulmay Ugaaska Guud Ee Beelaha Samaroon! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Axmed Muumin Seed Oo Magaalada Jig Jiga Kula Kulmay Ugaaska Guud Ee Beelaha Samaroon!
March 14, 2023 - Written by Editor:

JIGA JIGA(W,N)-Wasiirkii Hore ee wasaaada beeraha Somaliland siyaasi axmed muumin seed ayaa magaalo madaxda ismaamulka somalida Itoobiya ee kula kulmay Ugaaska Guud ee beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi iyagoo ka wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo waxyaabaha ka taagan mandaqada geeska Africa.

Siyaasi axmed muumin seed ayaa qoraal uu kaga hadlayo kulanka uu layeeshay ugaaska beeshiisa ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga kaasi oo udhignaa Sidan;

“Alle mahadii waxaan maanta magaalada jigjiga ee dawlad deegaanka Somalida ku kulanay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo ah ugaaska guud ee beelaha Samaroon ,

Waxaanan iska waraysanay xaaladda guud ee dalka iyo tan mandaqada xiligan ka aloosan ”.Ayuu yidhi siyaasi

Axmed Muumin Seed.

COMMENTS
LINKS