Tagerayaasha Kooxda Chelsea Oo Dalbatay In La Eryo Maurizio Sarri Iyo Tababaraha Ay Dalbadeen In Loo Keeno! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tagerayaasha Kooxda Chelsea Oo Dalbatay In La Eryo Maurizio Sarri Iyo Tababaraha Ay Dalbadeen In Loo Keeno!
January 31, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa quus ka istaagay tababaraha kooxdooda Maurizio Sarri kaddib markii xalay ay usoo hoyatay guul-darradii ugu weynayd muddo ka badan 20 sannadood, isla markaana ay 4-0 ku xasuuqday kooxda Bournemouth.

Tababaraha Talyaaniga oo qaab fiican ku bilowday waayihiisa cusub ee horyaalka Premier League, ayaa waxa hadda ku habsatay hoos u dhacii ugu weynaa, waxaana ay u daadageen kaalinta shanaad oo ay hadda kasii hoos mareen Arsenal, halka Manchester United oo lixaad ku jirtana ay laba dhibcood oo kaliya ka sarreeyaan.

Guul-darradan ugu dambaysay ee xalay ayaa waxay ahayd tii ugu qadhaadhayd ee soo gaadha tan iyo sannadkii 1996-kii, markaas oo Blues ay Liverpool ku garaacday 5-1 kulan ka tirsanaa Premier League.

Mulkiilaha Chelsea, Roman Abromavich rikoodh fiican kuma laha inuu ilaashado tababareyaasha marka naadigu ka leexdo dariiqa guusha, waxaana uu shaqooyinka ka caydhiyey tababareyaal tiro badan tan iyo sannadkii 2003 oo ahayd xilligii uu iibsaday kooxdan.

Waqtigan waxa mulkiilaha miiska u saaran dalab uga yimid taageereyaasha oo doonaya in shaqada laga caydhiyo Sarri oo ay tilmaameen in aanu waxba usoo wadin amaba meel gaadhsiin karin, waxaana markii ugu dambaysay ee ay dalabkooda dhiibtaan ay ahayd kaddib ciyaartii xalay, taas  oo markii ay dhamaatay ay barta Twittereka ku soo bandhigeen isbeddelka ay doonayaan la sameeyo.

Jamaahiirtu kaliya codsi eri ah may soo bandhigin, hase yeeshee waxa kale oo ay bannaanka keeneen tababaraha ay doonayaan in loo magacaabo macallinka beddelaya Sarri.

Jamaahiirtu waxay u sheegeen mulkiilaha in la gaadhay xilligii shaqada laga eryi lahaa Sarri, isla markaana la magacaabi lahaa Guus Hiddink oo laba xili oo si ku-meelgaadh ah loogu dhiibay u qaaday koobab.

Xili ciyaareedkii 2008/09 ayaa Hiddink loogu dhiibay si meelgaadh xilligii shaqada laga caydhiyey Mourinho, waxaana uu u qaaday FA Cup, sidaas oo kale ayaa haddana sannadkii 2015/16 uu shaqadan ugu soo laabtay markii la eryey Jose Mourinho, laakiin waqtigan waxa uu haystaa shaqo kale oo ah tababaraha xulka 21 jirrada ee dalka China.

DIYAARIYE; SHIINE MATAAN.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS