Maxaad ka taqaan wiilka Soomaaliga ah ee lafdhabarta u ahaa guulihii Qadar? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad ka taqaan wiilka Soomaaliga ah ee lafdhabarta u ahaa guulihii Qadar?
February 2, 2019 - Written by Reporter:

Akram Xasan Cafiif oo 22 sano jir ah waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda xirfadda sare leh ee sida weyn isha loogu hayo.

Waxa uu lambarka 10-aad uga ciyaaraa xulka qaranka ee waddanka Qadar, isagoo kaalin mug lehna ka qaatay guulihii at Qadar ka gaadhay tartanka koobka Aasiya oo ay ugu dambeyn Jimcihii koobka ku hanteen.

Mid ka mid ah saddex gool oo ay Qadar ciyaartii finaalka uga badisay xulka Japan ayuu dhaliyay Akram.

Wuxuu weerarka uga ciyaaraa kooxda Al Sadd, isagoo qaab amaah ah uga soo tagay kooxdiisa Villarreal ee ka dhisan dalka Spain.

Akram waxaa dhalay Xasan Cafiif oo ah ciyaartoy Soomaali ah oo hore uga tirsanaan jiray xulkii qaranka Soomaaliya ee bari samaadkii.

Cabdiqaadir Maxamed Faarax (Biriq), oo ka mid ah ciyaartoydii hore ee Soomaaliya ayaa isagoo BBC-da la hadlayay wuxuu sheegay in Akram aabihii uu soo ahaan jiray nin si fiican loogu yaqaannay xirfadda kubadda cagta.

“Xasan Cafiif wuxuu ahaan jiray ciyaartoydii qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed. Wuxuu ahaa weeraryahan aad looga yaqaannay Soomaaliya waxaana laga soo xushay ciyaartoydii ka soo jeedday magaalada Kismaayo, anigana waxaan ka mid ahaa dadkii nasiibka u yeeshay iney kasoo barbar ciyaaraan”.

Saxan Cafiif ayaa ka ciyaari jiray horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, isagoo lafdhabarna u ahaa xulka qaranka iyo kooxdiisii horseed.

Dhanka kale, Biriq ayaa sheegay in Akram uu sidii aabihii u yahay ciyaartoy xirfad sare leh oo mustaqbalkiisu uu ifayo.

“Waa ciyaartooy da’ yar, adduunyada oo dhanna aad ay maanta u daneyneysaa Akram Cafiif. Ciyaartii Fiinaalka koobka Aasiya wuxuu Akram muujiyay ciyaar heer sare ah. Marka runtii waxaan dhihi karnaa rajo fiican ayuu leeyahay heer aad u sarreeya ayuuna ka gaadhi karaa kubadda cagta adduunka”.

Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar ee sannadkii 1996-kii.

COMMENTS
LINKS