Ciyaaryahan 27,000 oo Pound ugu deeqay baadi goobka duuliye la la’yahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciyaaryahan 27,000 oo Pound ugu deeqay baadi goobka duuliye la la’yahay
February 10, 2019 - Written by Reporter:

Ciyaaryahanka Faransiiska u dhashay ee Kylian Mbappe ayaa ku deeqay £27,000 oo Pound Iyadoo dhaqaale loo aruurinayo qoyska duuliyihii la waayey ee David Ibbotson.

Mr Ibbotson, oo kasoo jeeda Crowle, Lincolnshire, ayaa diyaarad yar kusoo qaaday cayaaryahankii kooxda Cardiff City ee Emiliano Sala, waxayn u kala gooshayeen magaalooyinka Nantes iyo Cardiff City markii ay buburtay diyaaraddii ay saarnaayeen 21-kii January.

Maydka cayaaryahanka ayaa laga helay burburkii diyaaradda oo laga helay badda gunteeda, hase ahaatee wali lama helin maydkii Mr Ibbotson oo ahaa duuliyiihii diyaaradda.

Kabtankii hore ee xulka qaranka England, Gary Lineker ayaa sidoo kale ku deeqay £1,000 oo Pound.

Dad gaadhaya 6,000 oo qof ayaa ku deeqay lacago kala duwan, waxayna isugaynta lacagta la aruuriyay gaadhaysaa £100,000 iyadoo lacagta loo baahan yahayna ay tahay £300,000 oo Pound.

Mbappe, oo magaciisa oo dhammaystiran la yidhaahdo Kylian Mbappe Lottin, ayaa deeqda bixiyey isagoo magaciisa u baddalay Elie Lottin.

Emiliano Sala oo ah sawirka bidixda xiga ayaa saarnaa diyaarad oo duuliye ka ahaa pilot David Ibbotson.

Diyaaradda yar ayaa markii ay burburtay ku socotay khadka isku xidha Faransiiska iyo Magaalada Cardiff, laba maalmood kadib markii weeraryahanka reer Argentine ay £15m kula soo wareegtay kooxda Cardiff City ee horyaalka Ingiriiska ka cayaarta.

Baadhitaankii rasmiga ahaa ayaa la joojiyay 24-kii January, hase ahaatee maydka Sala ayaa la helay kadib markii loo aruuriyay lacag gaadhay £324,000 si loogu sameeyo baadigoob gaar ah oo markii dambena lagu helay maydkiisa.

Qoyska duuliyaha la la’yahay ayaa iyaguna qaylo dhaan gaar ah diray waxayna yidhaahdeen sidatan: ” Waxaan la tiiraanyaysanahay musiibadaas iyo in aan waynnay labo qof oo cajiib ah”

COMMENTS
LINKS