Ciyaartoy u dhashay Baxreyn oo xoriyaddiisa dib u helay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciyaartoy u dhashay Baxreyn oo xoriyaddiisa dib u helay
February 11, 2019 - Written by Reporter:

Ciyaartoy u dhashay dalka Baxreyn oo ku xidhnaa dalka Thailand ayaa lagu soo daayay damaanad kaddib markii Baxreyn ay ka laabatay codsi ay ku dooneysay in loo soo tarxiilo dalkeeda.

Xaakim Al Carabi ayaa u cararay dalka Australia sanadkii 2014-kii halkaas oo magangelyo laga siiyay.

Bishii November ayaa lagu xidhay magaalada Bangkok ee dalka Thailand kaddib markii Baxreyn ay codsi u gudbisay booliska caalamiga ah ee Interpol.

Ciyaaryahankan ayaa bishiisii arooska ku qaadanayay Bangkok.

Waxaa lagu riday xukun 10 sano oo xadhig ah isagoo ka maqan dalkiisii Baxreyn, waxaana lagu eedeeyay inuu weeraray saldhig boolis.

Al Carabi oo 25 jir ah ayaa beeniyay eedeymaha loo hesytay, ha’yaddaha u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen inuu jidhddil la kulmi lahaa waa haddii loo tarxiili lahaa Baxreyn.

COMMENTS
LINKS