Manchester United oo si lama filaan ah ugu gudubtay rubuc dhamadka Champions League-ga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Manchester United oo si lama filaan ah ugu gudubtay rubuc dhamadka Champions League-ga
March 7, 2019 - Written by Reporter:

Manchester United ayaa guul taariikhi ah ka gaadhay Paris Saint-Germain ka dib markii ay kooxdaasi Faransiiska ah ka reebtay horyaalka Yurub ee Champions League-ga.

Paris Saint-Germain (PSG) ayaa lugtii hore ee lagu ciyaaray Old Trafford waxa ay ku soo badisay 2-0, waxaana ciyaarta caawa la saadaalinayay inay si sahal ah ugu badin doonto Manchester.

Romelu Lukaku oo weerarka uga ciyaara Man United ayaa dowr weyn ka qaatay guusha kooxdiisa waxaana uu dhaliyay laba ka mid ah saddexda gool ee ay ku badisay.

Goolka guusha waxaa United u dhaliyay Marcus Rashford oo ciyaartoo dhammaad ah rokoodhe u dhaliyay kooxdiisa.

Ole Gunnar Solskjaer

Khubarada kubadda cagta ayaa saadaalinaya in guushan ay muhiimad gaar ah u leedahay tababaraha kumeelgaadhka ah ee Man United, Ole Gunnar Solskjaer ayna u badan tahay in si buuxda loogu magacaabo macallinka kooxdaasi.

Wareegga rubuc dhamaadka

Manchester United, FC Porto, Ajax iyo Tottenham ayaa u gudbay wareegga rubuc dhammaadka, waxaana meesha ka baxay Real Madrid, Borussia Dortmund, Roma iyo PSG oo ahaa kooxaha loo badinayay inay u gudbi doonaan wareeggan.

Tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan ayaa xiisa gaar ah leh maadaama inta badan kooxihii waaweynaa ay hadheen.

 

COMMENTS
LINKS