Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Somaliland oo Dastuur Jabin Sameeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Somaliland oo Dastuur Jabin Sameeyay
March 25, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Xildhibaanada goleyaasha Guurtida, Wakiilada iyo shir-gudoonkooda oo ay barbar fadhiyaan Madaxweynaha Somaliand, Guddoomiyaha Maxkamada Sare, ayaa waxa ay si wada jir ah u jebiyeen laba qodob oo ka mida Dastuurka Qaranka Somaliland.

Labada Qodob ee ay jebiyeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare ayaa kala aha qodobka 7Aad faqradiisa 2Aad oo sheegaysa Qaranka iyo waliba qodobka 38aad oo isna kawaramaya magaca waaxda sharci dejinta ee Baarlamaanka Somaliland.

Sidoo kale astaanta qaranka oo khaldan ayaa waxa lagu dhejiyay halkii uu Madaxweynaha Somaliland shalay khudbada uga jeedinayay shir-guddoonka labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada.

Dhinaca kale boodhkii shirka ayaa lagu qoray Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamuuriyada Somaliland, iyadoo aanay Dastuurka Somaliland ku qornayn wax la yidhaahdo Aqalka sare ee Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo ah Garyaqaan ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in khaladkaasi ay leeyihiin golaha Guurtida oo xaruntooda lagu qabtay shirka.

“Erayga ah aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliland inagu ma lihin, Somaliland-na waxa ay leedahay gole Baarlamaan oo la yidhaahdo Guurtida iyo Wakiilada, mana jiraan wax layidhaa Aqalka sare, Arin qayrul dastuuri ah ayaa shalay dhacday, Anigu hadaan meesha fadhiyo Madaxweynaha ka laaba ayaan odhan lahaa, hadaan anigu arkayo waaban iska laabi lahaa, sababtoo ah meesha kumay jirin mana dhacdo sharcigana kamid maaha dastuurkuna ma tilmaamayo, arintaasina khalad dhacay oo golaha Guurtida oo shirka qabtay ka dhacay ayay ahayd.”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac.

“Khaladku Xeer dejinta ayuu ka dhacay, Hadaanu anagu nahay Xeer dejintiina, markaa masuuliyada khaladkaasi anagaa iska leh oo dib isku saxaynaa, Xeer hoosaad ayaanu leenahay kuwaasaa noo banaynaya inaanu isi saxno waxlana waalaga qabanayaa, Astaantuna waxa ay ahayd tii Masar oo tii Somaliland may ahayn, Sidaa daraadeed waa in dib loo eego arintan, Labada gole baarlamaana ilaa iyo hada ma jiro nidaam dhisan oo ah Xeer hoosaad ay yeeshaan labada gole oo shirarka noocan oo kale ah lagu qabto oo la isku kaantaroolo”.ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo sheegay inuu sameeyay astaanta qaranka balse xukuumada Somaliland aanay u aqoonsanayn, ayaa nasiib daro ku tilmaamay khaladka dhacay.

“Astaanta qaranka oo qaldan waan arkay iyadoo sawiran oo Madaxweynaha iyo afarta Janan oo hareeraha ka taagan oo ay hor taalo, Markaa astaan qaranku taas ma aha, Astaanka qarankanu Dastuurka ayay ku taalaa iyo wax waliba waxa uu ka taagan yahay iyo waxa ay ka wakiilka tahay, Aadbaan uga niyad xumaaday in Madaxweynihii qaranka oo khudbad sanadeedkii u jeedinayay labada gole nusqaan ayay ku ahayd muuqaalkeeda guud iyo dal ahaanba, Waxaana la inoo arkayaa dad aan garanaynba calaamadaha qaran lagu aqoonsado astaantoodu waxa ay yihiin, astaanta qaranka iyo calankuba waa waxa ugu sareeya ee dalka lagu garto.”ayuu yidhi Siyaasi Cabdilaahi  Jawaan.

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk/Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS