Kiiska Ganacsade Ina Geele Arab Yaa Ka Dhibane Ah, Ma Qaranka Jabuuti, Mise Qoyska Madaxwaynaha? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kiiska Ganacsade Ina Geele Arab Yaa Ka Dhibane Ah, Ma Qaranka Jabuuti, Mise Qoyska Madaxwaynaha?
April 1, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Dhawrkii maalmood Ee u Danbeeyey waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta qaar lagu hadal hayay dacwad loo haysto ganacsade Axmed Cismaan Geele oo ah ganacsade reer jabuuti ah reer somalilandna ah oo shirkado Waawayn leh.

Waxaanu ku war helay salaadiin iyo xildhibaano ka socda dhanka ganacsadaha oo si adag uga hadlaya waxay inoo sheegeen in dacwad madani ah oo jabuuti taalay oo u dhacaysay ganacsade axmed geele iyo dawlada jabuuti halkan loo soo raray somaliland oo la doonayo in ganacsadaha loo dhiibo jabuuti. Waxaa kale oo xildhibaan u hadlay sheegay in jabuuti hore loogu dhacay ganacsadaha oo uu ka maqan yahay aduun lacageed oo dhan 128 milyan oo doolar. Waxa kale oo suldaanka beesha ganacsaduhu sheegay inay arinkan ugu tageen macal ugaaska guud ee jabuuti kana codsadeen in ganacsade Axmed isagoo xor ah uu dacwoodo oo ay xisaabtamaan xoolo ayaa ka maqane.

Intaas markaynu ognahay ee dhanka jabuutina ilaa hada ka hadal eedaha loo soo jeediyay waxaa qof kastoo caqli leh isweydiinayaa ama maskaxdiisa ku soo dhacaysa su.aalo badan.

Horta fahanay in Ganacsade Axmed Cismaan Geele lagu haysto kiis Madani ah oo la isku haysto Aduun lacageed

Hadaba yaa ka dhibana ah kiiskan Axmed ee  ku leh lacagta ma qaranka jabuuti? Ma Qoyska madaxweynaha? Mise qof iyo shaqsiyaad ka mid ah xubnaha qoyska ayaa ku leh?

Lacagtu ma lacag kaash ah bay ahayd oo dayn ayaa la isku leeyahay?

Ma alaab buu ka iibiyey oo baaqi ayaa lagu leeyahay?

Ma ganacsi ayay shirkad ku ahaayeen? Haday shirkad ahaayeen ma raasamaalkii ayaa la isku haystaa? Mise faa,iidadii ganacsiga lagu shuraakoobay oo xisaab dheer ayaa ka dhaxaysa?

Siday doonta ha noqotee Ganacsade Axmed Cismaan Geele garanay  ee dhinaca jabuuti ma qarankaa ma qoyskaa mise waa qof kolay heshiis ayaa la wada galee magaca heshiiska Axmed geele la galay Waa ayo?

Axmed ma xubno qoyska ka mid ah ayaa shaadhka dawladnimo u adeegsanaya mise madaxweynaha laftiisa ayay is haystaan?

Sikastaba ha ahaatee Arintan ayay isha ku hayaan shacabka jabuuti iyo kuwa somalilandba inay xog rasmi ah ka helaan waxaan la filayaa In warku cadaado maalmaha soo socda  oo dhanka jabuutina ka hadlaan markaa la isku eego labada dhinac,

La Soco Xogo faahfaahsan oo Daaha ka faydaya Waxyaabaha Qarsoon ee Kiiska ku Gedaaman.

Axmed Cismaan Geele Ganacsigiisa Jabuuti Qaabkee Ayay isku dhexgaleen Qoyska Madaxwaynaha Iyo Halka ay Sartu ka Qudhuntay& Waxa la Isku Maandhaafsan Yahay!

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS