Maxaa kala heysta Labada kooxood ee Manchester oo ciyaartooda la sugi la’yahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa kala heysta Labada kooxood ee Manchester oo ciyaartooda la sugi la’yahay
April 24, 2019 - Written by Reporter:

Waxaa maanta si weyn loo hadal hayaa ciyaarta adag ee ay ku ballansan yihiin caawa labada kooxood ee ka dhisan magaalada Manchester, United iyo City.

Ciyaataas la sugi la’yahay inta xilligeeda laga gaadhayo ayaa saameyn ku yeelaneysa kala horreynta horyaalka Ingiriiska, iyadoo labada kooxood mid walba ayna ku qanci doonin wax aan badis ahayn.

Manchester City ayaa haddii laga guuleysto halis ugu jiri doonta inaanay qaadin horyaalka, oo iyadoo il libidhiqsi kaliya ay ka sugeyso Liverpool, halka Manchester United ay iyadana guul darrada u horseedi karto inaanay soo galin 4-ta kaalmood ee ugu horreeya, taasoo ka dhigan inay ka qaddo ka qeyb galka tartanka Champions League ee isu keena horyaallada Yurub.

Ciyaartan oo loo yaqaanno “Manchester Deby” ayaa ka dhici doonta garoonka kooxda United ee Old Trafford, arrintaasoo fursad aan la isku halleyn karin ay ugu jirta kooxda martida loo yahay.

Image result for manchester united vs manchester city

Laba kooxood ayaa isku biro tumanaya waxaana natiijada kulankaas isha ku haya guud ahaan dadka daawada kubadda cagta adduunka.

Subaxnimadii Salaasadii ayuu macallinka kooxda Manchester United Ole Gunner Solskjaer waxa uu ciyaartoydiisa u sheegay inay is adkeeyaan, maadaama ay hirdan xoog leh kala kulmi doonaan ciyaartoyda City, kuwaasoo uu sheegay inay khaladaad badan ku gali doonaan.

Hase ahaatee hadalkaas ayaa ka cadheysiiyay tababaraha City Pep Guardiola, oo sheegay in kooxdiisu ayna ku xisaabtamnin inay ciyaartoyda kale jabiyaan.

Guardiola ayaa hore u beeniyay eedeyn loogu jeediyay inuu ciyaartooyadiisa kula soo dardaarmo inay wax lagdan mar walba oo weerarka rogaal celis ah lagu qaado inta ay ciyaarta socoto.

Image result for manchester united vs manchester city

Kulanka caawa ayaa noqonaya kii 160-aad ee ay isaga hor yimaadaan labada Manchester.

United ayaa guuleysatay 62 jeer halka City ay guuleysatay 46 jeer, waxayna labada kooxood barbarro galeen 51 jeer.

Balse, City ayaa hal mar oo kaliya guul darro kala soo laabatay toddobadii jeer ee ugu dambeysay ee ay booqatay garoonka Old Trafford.

Ciyaartoyda United ayaadse mooddaa inay aad uga cadheysan yihiin guul darradii argagaxa lahayd ee ay dabayaaqadii wiigan kasoo qaadeen garoonka kooxda Everton, halkaasoo 4-0 lagu soo quusiyay, sidaas awgeedna dad badan waxay aaminsan yihiin in ay ku ciil furfuran karaan cid walba oo ka hor timaata iyagoo sidaas u xanaaqsan.

Waxyaabaha dhif iyo naadirka ah ee kulankan la socda waxaa ka mid ah in taageerayaasha kooxda Liverpool ay caawa la safan yihiin Manchester United, oo la wada ogyahay inuu kala dhaxeeyo xifaaltan cadaawad noqday, Sababtuna waa inay doonayaan in loo qabto City si ay horyaalka u qaadaan.

COMMENTS
LINKS