Maxamed Salah oo difaacay ciyaartoy lagu eedeeyay inuu xadgudub gaystay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxamed Salah oo difaacay ciyaartoy lagu eedeeyay inuu xadgudub gaystay
June 30, 2019 - Written by Reporter:

Laacibka xulka waddanka Masar Maxamed Saalax ayaa la dhaleeceeyay kaddib markii uu soo jeediyay in “fursad kale” la siiyo ciyaartoy ay xulka Masar ka wada tirsan yihiin oo lagu eedeeyay inuu gaystay xadgudub galmo.

Xidiggan u ciyaara kooxda Liverpool oo bishii Abriil u sheegay wargeyska Time magazine in ay tahay la badelaa habka loola dhaqmo haweenka Bariga Dhexe, ayaa Khamiistii waxa uu bartiisa Twitterka ku difaacay ciyaaryahan Caamir Warda.

Mohamed Salah at the 2019 Africa Cup of Nations

Kaddib markii ay soo gudbiyeen eedo ah inuu ciyaaryahankaasi kula kacay xadgudub galmo, ayaa Xidhiidhka Kubadda Cagta ee waddanka Masar (EFA) waxa uu Warda ka joojiyay inuu ka sii qeyb qaato Koobka Qaramada Afrika (Afcon) kaas oo haatan ay martigelinayso isla Masar.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ka ciyaara ayaa bilowgii hore waxa uu diiday eedaha loo soo jeediyay hasayeeshee Khamiistii ayuu waxa uu Twitterka soo dhigay muuqaal uu raali gelin ku bixinayo, waxa uuna ballanqaaday in dhacdooyinka noocaas oo kale ah aanay soo laaban doonin.

Xidhiidhka Kubadda Cagta ee waddanka Masar (EFA) ayaa markaa kaddib ka laabtay go’aankii hore, waxa uuna xidhiidhku sheegay in Warda – oo u ciyaara kooxda PAOK ee waddanka Girigga – uu ka qeyb qaadan karo tartanka.

Twitter waxaa daabacay @MoSalah: We need to believe in second chances... we need to guide and educate. Shunning is not the answer.

Eedaha ayaa markii hore waxa ay soo shaacbaxeen markii gabadha reer Masar ee dharka naqshadaysa ee Merhan Keller ay barteeda Instagram soo dhigtay sawirro iyo farriimo laga haboonyahay ay ku sheegtay inay ka heshay Warda.

Dad kale oo isticmaalayay baraha bulshada ayaa sidoo kale waxa ay dadka la wadaageen muuqaallo iyo qoraallo ay ku sheegayaan inay ka yimaadeen Warda oo ku xadgudbaya iyaga iyo haween kale oo ku jira online-ka.

Waxyar un kaddib markii xulka Masar uu ka adkaaday xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo sidaana uu ugu soo gudbay wareegga 16-ka ee Koobka Qaramada Afrika, ayuu Mo Salah waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay in saaxiibkii “aanay ahayn in geeska la galiyo”.

“‘Maya’ waa ‘maya'”, ayuu soo qoray, ka hor inta aanu ku darin, “inta badan dadka khaladka sameeya qaab wanaagsan waa ay isu badeli karaan in isla markiiba dhinaca la galiyana ma aha”.

Farriin labaad ayuu Salah ku sheegay: “Waa inaan rumaysnaanaa fursadda labaad… waa inaynu dadka hagnaa oo waxbarnaa. In qofka la takooro xalku ma aha.”

Twitter waxaa daabacay @MoSalah: Women must be treated with the utmost respect. “No” means “no”. Those things are and must remain sacred. I also believe that many who make mistakes can change for the better and shouldn’t be sent straight to the guillotine, which is the easiest way out.

Farriimaha ayaa waxaa ra’yigooda ka soo dhiibtay ilaa 5,000 oo qof, waxaana jiray dad badan oo si cadho leh uga falceliyay.

“Dhiirigelintaadu meel khaldan ayaad dhigtay [oo waxaad difaacaysaa] nin xun oo xadgudub sameeyay,” waxaa sidaasi soo qoray weriye reer Masar ah oo lagu magacaabo Islam Akel.

Mona Seif oo haweenka u ololaysa ayaa waxa ay soo qortay: “Waxaad fursad labaad siisaa qofka marka uu muujiyo inuu ka xun yahay waxa uu sameeyay! Marka uu doonayo inuu mas’uuliyadda qaato uuna raaligeliyo dadka uu waxyeeleeyay, oo ah haweenka uu kula kacay xadgudubka galmo. Hasayeeshee waxa aad hadda sameysay waxa ay riixaysaa in xadgudub kale la sameeyo.”

“In loo qiildayo ficil noocaas oo kale ah waa wax aad looga xumaado,” qofkale oo lagu magacaabo @Eng_RaMo ayaa soo qoray.

“Dadka caanka ah waa in lala xisaabtamaa. Waxaa la joogaa wakhtigii la soo afjari lahaa xasaannada ay ku raaxaystaan dadka caanka ah ee ah in aanan la taaban karin,” Mariam ayaa soo qortay.

Dad badan ayaa waxa ay tilmaameen in aanay ahayn markii ugu horraysay ee Warda lagu eedeeyo inuu gaystay xadgudub galmo, oo waxa ay sheegeen in fursad labaad la siiyay.

 

 

 

COMMENTS
LINKS