Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Degmada Laascanood Oo Dacwad Ka Gudbiyay Taliyaha Saldhiga Bari Ee Laascanood Oo Gurigiisa Weeraray Burbur Hantiyeed Ugaystay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Degmada Laascanood Oo Dacwad Ka Gudbiyay Taliyaha Saldhiga Bari Ee Laascanood Oo Gurigiisa Weeraray Burbur Hantiyeed Ugaystay!
April 11, 2021 - Written by Editor:

LAASCANOOD(W,N)-Xoghayaha fulinta Ee dawlada Hoose Ee Degmada Laascaanood Mudane Cabdiraxmaan khaddar Maxamuud “Gaas” ayaa Sheegay in 7bishan Goor Habeenimo  ay Ay gurigiisa weerareen ciidan boolis ah oo uu amray taliyaha Saldhiga Bari Ee Magaalada Laascanood Maxamuud Axmed cali (Afar Indhood)  kuwaasi oo sida xoghayuhu Uu sheegay gurigiisa soo gaadhsiiyay khasaare iskugu jira burbur iyo hanta taalay oo ay ciidamadu qaateen.

Dhacdada lagu weeraray guriga xoghayaha fulinta dawlada Hoose ee degmada laascanood ayaa siwayn loogu hadal yahay goobaha ay iskugu yimaadaan bulshadu Dhaqan magaalada laascanood Taasi oo aanay ka hadal laamaha dawlada ee gobolku.

Xoghayaha dawlada hoose ee degmada laascanood ayaa dacwad ka dhan Ah taliyaha saldhiga bari ee magaalada laascanood oo uu sheegay in uu isagu masuul ka yahay amarka lagu galay gurigiisa isagoon Aan sidan wax waaran ugudbiyay Taliska Qaybta Ciidanka booliska Gobolka Sool, Xafiiska xeer Ilaalinta qaranka Isagoo ogaysiiyay haayadaha dawlada ee gobolka sool iyo wasaarada arimaha gudaha.

Sidoo kale xoghayaha dawlada hoose ee Degmada laascanood Ayaa haayadaha dawlada ee ku shaqada leh arintan ka dalbaday In masuulkan sharciga loo horkeeno islamarkaana la mariyo wixii uu sharciga Ogolyahay ee xal unoqon kara dhibaatada iyo burburka hantiyeed ee uu ugaystay gurigiisa isagoo sheegay in ay ka maqan tahay hanta.

Falka lagula kacay guriga xoghayaha dawlada hoose ee degmada laascanood ayaa ah mid ku cusub hanaanka dawladnimo iyo wada shaqaynta masuuliyiinta xilalka qaranka haya ee wada shaqayntu ka dhaxayso

Xoghayaha dawlada hoose ee degmada laascanood Cabdiraxmaan khaddar Maxamuud “Gaas”ayaa shacabka reer laascanood ku tilmaameen mudadii uu xilka hayay in uu fuliyay waxqabad faro badan oo bulshadu tabayeen kaasi oo safka hore kaga masuuliyiinta ku suntan daacadnimo iyo xilgudasho suuban.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada somaliland iyo taliska ciidanka booliska ayaa la filayaa in ay talaabo ka qaadaan taliyaha saldhiga bari oo masuuliyadii qaranka uga faa,idaystay si baalmarsan sharciga dawladnimo iyadoo dadka qaar sheegeen in falka uu kula kacay xoghayaha dawlada hoose Yahay mid ay ka danbeeyeen xisbiyada mucaaridku kaasi lagu majaro habaabinayo shaqada uu qaranka uhayo masuulkan laamaha dawlada ee ku shaqada laga sugida abniga iyo haayadaha garsoorka ayaa laga war sugi doonaa talaabada ay ka qadaan falkan iyo waxa keenay.

HALKAN AKHRI DACWADA UU XOGHAYAHA DEGMADA LAASCANOOD KA GUDBIYAY TALIYAHA SALDHIGA BARI EE LAASCAANOOD;

COMMENTS
LINKS