“Munaasibada Ciida Awgeed Aynu Uduceyno Walaalaheenna Reer FALASTIIN Oo Ay Maanta Yuhuuddu Dhib Weyn Ku Hayso”,Gudoomiye Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Munaasibada Ciida Awgeed Aynu Uduceyno Walaalaheenna Reer FALASTIIN Oo Ay Maanta Yuhuuddu Dhib Weyn Ku Hayso”,Gudoomiye Cirro.
May 12, 2021 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga wadani cabdiraxmaan cirro ayaa hambalyo udiray umada muslimiinta eek u kala nool daafaha duniga iyo guud shacabka reer Somaliland munaasibada Ciidul Fidriga awgeed isagoo ilaahay uga baryay in ay nabadgalyo iyo caafimaad ku waaraan

Sidoo kale Gudoomiye cirro ayaa ka hadlay dhibta haysata dadka reer falastiin iyo duulaanka ay yuhuudu ku qaaday masjidka barakaysan ee Aqsa.

Munaasibadda Ciidda awgeed, dad badan oo ka mid ah muslimiintu waa ay faraxsan yihiin, balse waxaa jira kumannaan kale oo maanta qax, barakac, macaluul, amni darro, duullaan iyo gumaad  uu ku socdo, walaalayaal aynu u duceyno in Ilaahay Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan uu ka qaado dhibta iyo mashaqada, uguna beddelo amni iyo barwaaqo.

Si gaar ah, aynu ugu duceyno walaalaheenna reer FALASTIIN oo ay maanta Yuhuuddu dhib weyn ku hayso, waxa aynu Ilaahay uga baryeynaa in uu dhibta ka dulqaado, Masjidkiisa weyn ee Xaramka ah ee AL AQSAANA u hiiliyo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS