Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Beeraha Jsl Oo Booqasho Ku Tagay Deegaanka Ruqi Ee Gobolka Awdal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Beeraha Jsl Oo Booqasho Ku Tagay Deegaanka Ruqi Ee Gobolka Awdal.
July 26, 2021 - Written by Editor:

RUQI(W,N)-Wafti balaadhan oo u hogaaminayo wasiirka wasaarada horumarinta beeraha jsl axmed muumin seed oo ay kuweheliyaan isuduwaha wasaaarada beeraha gobalka awdal iyo lexman oo ah masuul dhanka beeraha u qaabilsan Haayada FOA maayirka degmada baki iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada beeraha iyo haayada FOA ayaa gaadhay deeganada baki iyo ruqi oo hoos yimaada gobalka awdal.

Waxaanay waftigani kormeero kal duwan kusoo mareen kinaalo ay hirgaliyeen wasaarada horumarinta  beeraha iyo haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin taasi oo la dhagax dhigay 2019kii waxaana  laga hirgaliyey deeganka ruqi waxaanayna sidoo.kale kormeereen beeraha wax soo saarka ee kuyaala deeganada baki iyo ruqi

ujeedka kormeerka waftigan ayaa ku salaysnaa sidii loo caawin lahaa amba loo dhiiri galin lahaa wax soo saarka beeraha iyo in laga caawiyo sidii loogu xidhi lahaa biyaha dooxoyinka iyo wadada isku xidha baki iyo boorama

COMMENTS
LINKS