“Wiilkan Yar Maaha Cidda Hadlaysaa, Ee Dabcan Waa Sida Uu Jecel Yahay Madaxwaynaha Xilka Hayaa” Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wiilkan Yar Maaha Cidda Hadlaysaa, Ee Dabcan Waa Sida Uu Jecel Yahay Madaxwaynaha Xilka Hayaa” Cali Guray.
January 24, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Guray Ayaa sheegay hadalada xanafta leh ee uu ku hadlo afhayeenka xisbiga kulmiye cabdinaasir Buuni in ay yihiin Kuwo ka turjumaya sida uu jecelyahay madaxwayne biixi islamarkaana loosoo dhiibo hadalada ay ka xishoodaan dadka kale iyadoo oo sida uu sheegay madaxwaynuhu uga dan leeyahay in uu  abuuro muran sharci, iyo sidii uu iskugu dul dili lahaa laba doorasho.

Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebokga wuxuna udhignaa Sidan;

“Wiilkan Yar Maaha Cidda Hadlaysaa Ee Dabcan Waa Sida Uu Jecel Yahay Madaxwaynaha Xilka Hayaa Si Labada Doorasho ee Dastuuriga ah Loogu Dilo Doorasho Aan Xataa Xeer Lam 14 2011 Meel keliya ka Waafaqsanayn. Doorashada uu sheegayo Marka Xeerka la raaco waxay ku beegan tahay ka hor dhamaadka Bisha December 2022, lix bilood ka hor oo Juun ahna Diiwaangelinta Ururada ayaa furmaysa.

Markaa ujeedadu maaha wax kale eh waa in khilaaf Siyaasadeed iyo muran sharci oo aan run ahaan wax jira ahayn La abuuro iyadoo dan yar oo gaar ah uun laga leeyahay. Shacbiga Somaliland garashadooda ayaa Hadalkani runtii Caayayaa. Aniga ayaa xaal ka siinaya. Kan yarna ha la yaabin Waxay kuwa kale ka xishoodaan ayaa isaga dheh la yidhaaye. Dhinaca Xeer Lam. 14-2011 wax ka jiraa ma jiro waxan uu ku Hadlayo. Hadii sharcigu shaqayn waayo dee markaa daniba way Odhan in sharciga la iskala baxo oo dibadiisa lagu kala adkaado hadii lagu kala adkaan karayo. Madaxwayne Muuse wuu og yahay saamilayda doorashada Madaxtooyadu in aanay ahayn uun labada xisbi mucaarid waxa muhiim ah oo iyaguna qayb ka ah saamilayda Qaadhaan bixiyayaasha inaga taageera doorashooyinka oo sida muuqata wixii ay isku ogaayeen uu ka dhigay waxba kama jiraan. Goorta ay iyagana kala dhaqaaqi doonaan wellee ma dheera hadii inta goori goor tahay wadadii doorashada ee saxa ahayd aanu dib ugu soo laabanin.

 SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

 

 

COMMENTS
LINKS